Wasiirka arimaha gudaha dowlada Hirshabelle Cabdi daahir guure, Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye , wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha dowladda Hirshabelle Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Hirshabelle iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray Degmada Jalalaqsi Ee Gobalka Hiiraan.
Wafdiga ayaa hordhac u ah safarka Madaxweynaha dowlada Hirshabelle Cali Guudlaawe xuseen ku marayo Deegaanada iyo Degmooyinka dowlada Hirshabelle oo uu ku wehlinayo madaxweyne ku-xigeenka mudane Yuusuf Ahmed hagar.
DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN EE DOWLADA HIRSHABELLE.