Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, waxaana dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa dhaariyey Wasiirradaan cusub oo dhawaan loo soo magacaabay Wasaaradaha arrimaha gudaha, Amniga, Isgaarsiinta iyo Macdanta.
Dhaarta ayaan ka soo muuqan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, wallow Wasiirka uu horay uga tirsanaa Wasiiradii lagu hor dhaariyey Xildhibaannada Golaha Shacabka