Wasiir wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Maamulka Hirshabeelle zakariya khalid.
Waxaan hambalyada Ciid- al Fidriga 1444 ee sanadka Hijriga u dirayaa guud Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan si qaas ah Hambalyada ciida U dirayaa guud ahaan Shacbiga dagan Dowlad goboleedka Hirshabeele in Alle uu u aqbalo Ac-Maashii wanaagsaneyd ee soon ka .
Waxaan Allaha ha awoodda badan leh waydiisanaynaa in uu naga aqbalo soonkii, salaadihii, qur’aankii, sadaqadii, ducadii iyo dhammaan kheyrkii aan samaynay bisha barakeysan ee Ramadan, iskamarkaane Alle nabadeeyo guud ahaan dalkaiyo Dowlada Hirshabeele na Alle kadhigo Mid nabdoon.Dowlada iyo shacbiga Hirshabeele na waxaan leeyahay ciidan teeda xigtana ALLE hanagu gaarsiiyo nabad-qab bashbash iyo barwaaqo.
Waxaan si gaar ah ugu Hambalyaynayaa Madaxda Dolada uu ugu horeeyo Madaxweynaha,gudoomiya baarlamaanka iyo guud ahaan labada gole ee Dowlada goboleedka Hirshabeele in Ciidan Ciideeda kale ALLE Nagu gaarsiiyo shacab iyo Madaxba bash bash iyo barwaaqo.
Waxaan kaloon hambalyo iyo duco ku aadan bishii barakeysneyd u dirayaa guud ahaan shaqaalaha wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Maamulka Hirshabeele Shaqaalaha Wasaaradda ganacsiga iyo guud ahaan ganacsatadda Maamulka dolada Hirshabeele.
Waxaan kaloon bogaadinayaa guud ahaan Rugta ganacsiga ee dowlada Hirshabeele oo suurgaliyay in guud ahaan degmooyinka dowlada Hirshabeele laga yagleeyo xarumihii wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha iyagoo sameeyay horumarinta gàcansiga,dhiirigelinta ganacsatada iyo guud ahaan isku xerka Ganacsiyada dowlada goboleedyada dalka iyo dowlada dhexe.
Ugu dambeeyn waxaan qoraalkeeygan kusoo af-Meerayaa in dalka iyo dadka soomaaliyeed ba Alle nabadeeyo islamarkaane Alle dadkeena tusiyo kheyraadka beeraha iyo kaluunka dalkeena kujiro.
Aloow dadkeeyga iyo dalkeey ga nabadeey.
Aamiin.
Wasiir zakariya khalid.