Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyeen Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo Agaasimaha Guud Caydaruus Macallin Xasan ayaa maanta kullamo kala duwan oo horudhac ah, isuguna jira kormeer, xog wareysi, la socoshada howlaha iyo isbarasho ah la qaatay hoggaannada Hay’adaha hoostaga Wasaaradda ee NIRA , SoDMA iyo NCRI.
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diinwaagelinta Qaranka(NIRA) Cabdiweli Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka(NCRI) Safiyo Maxamed Xasan ayaa si gaargaar ah uga warbixiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya howlaha socda, hortabinnadooda kala duwan, qorsheyaasha hey’adaha iyo arrimo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada kala duwan ee hay’adahan ku bogaadiyey howlaha muhiimka ah ee ay hayaan isaga oo faray in la ilaaliyo anshaxa shaqda, dardargelinta qorsheyaasha sanadka iyada oo la hubinayo la jaanqaadidda howlahaasi hortabinnada Wasaaradda, Xukuumadda iyo guud ahaan Qaranka.