Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa sheegay in marka la qabyo-tiro Dastuurka Dalka laga gudbi doonno caqabado badan oo haatan ka jira Dalka.
Waxa uu tusaale usoo qaatay in dhismaha Xisbiyada ee suuragalinaya in doorashada Madaxda heerka ugu hooseeya loogu daadajinayo awooddooda ay ku xiran tahay in la qabyo-tiro Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.
Wasiir Xasan Macallin ayaa tilmaamay in Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran arrimahaan Dastuurka ay iska kaashanayaan sidii loosoo afjari lahaa howlaha ka socda ee horyaalla labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka.
Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka KMG ah ee Dalka ayaa loo gacangeliyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo fadhiyadii ugu dambeeyay Xildhibaannada & Senatarrada Aqalka Sare dooddooda ku muujiyay qodobada qaar oo ay dalbadeen in wax ka baddel lagu sameeyo.