Wasiirka Xannaanada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Eeley ayaa isku xiray dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyo in laga salgaaro muhiimadda Dowladdu ay ku dooneyso in ay kordhiso Waxsoosaarka.
Xasan Xuseen Eeley ayaa sheegay in Tacbashada Beeraha, Dhaqashada Xoolaha & Kalluumeysiga ay yihiin saddexda dhinac ee dhaqaalaha badan laga sameyn karo balse caqabad ku noqdeen ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalka Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday ee ka dhanka ah ‘AS’ ayuu sheegay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya in laga gungaaro si loo helo fursado badan oo haatan ku dul dahaaran sida uu yiri Wasiir Xasan Xuseen.
Dagaalka ‘AS’ oo aan soo dhammaan Beer lama tacban karo, Xoolana lama dhaqan karo, mana la Kalluumeysan karo, Dadkaas waxa ay u baahan yihiin in la caawiyo oo la garab istaago” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.