Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Sakariye Khaalid Cabdi Jimcaale oo howlo shaqo u joogo magaalada Beledweyne ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye Duqa Beledweyne Cabdullaahi Salaad iyo masuuliyiin kale.
Wasiir Sakariye ayaa sheegay in wasaaradiisa xooga saareeyso horumarka Ganacsiga Hirshabelle isla markaana maamulka gobolka looga baahanyahay in kaalintiisa uu ka qaato horumarka ganacsiga.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Sakariye Khaalid Cabdi Jimcaale oo xilkaasi dhawaan loo magacaabay ayaa durba lasoo baxay sameyn xooggan iyo dar-dar shaqo waxaana wasiirka lagu wadaa in dhawaan uu la kulmo Ganacsatada gobolka Hiiraan.