Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka cimilada Soomaaliya, Dr. Saciid Maxamed Cali, ayaa walaac ka muujiyay in bacaha, oo dhawaan ay dowladda mamnuucday, lagu arko gudaha Golaha Sharci dejinta dalka.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in mamnuucidda bacaha ay qayb ka tahay dadaalka dowladda ee ilaalinta deegaanka, iyadoo go’aankaas looga gol leeyahay in la yareeyo saameynta bacaha ku leeyihiin Caafimaadka Bulshada.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in markasta loo baahan yahay hubinta agabka laga isticmaalayo hay’addaha dowladda. “Bacihii la joojiyay ayaa qadada la innoogu keenay, ummadda Soomaaliyeed waa ay raaceen meel kasta ay joogaan laakiin golihii sharciga u dajiyay ayaa maanta ku qadeeyay bac.” ayuu yiri Dr. Saciid Maxamed Cali.
Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay ilaalinta deegaanka iyo in fuliyo go’aanka dowladda ee mamnuucista bacaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u mamnuucday isticmaalka bacaha, iyada oo Taliska Booliiska ay soo xireen dad ku eedeysan in ay ku howlanaayeen Isticmaalka Bacda.