Magaalada Manama ee dalka Bahrain waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo meertada 33-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta kaas oo ay isugu imaanayaa dhammaan hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah ururkaan kuwaas oo wada gaaray halkaas.
Soomaaliya shirkaan waxaa ku matali doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray xalay dalka Bahrain, iyada oo halkaas ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo madax loogu talagay in ay soo dhaweyso wufuuda.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Axmed Macallin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan ay Soomaaliya ku soo bandhigi doonanta guulaha ay ka gaartay dagaalka Al-Shabaab iyo isbadallada horumarinayd ay ku tillaabstay Xukuumadda.
Wasiir Fiqi ayaa xusay in shirkaan diiradda lagu saari doona arrimaha ka wada dhaxeeya labada dal, waxa uu sheegay in madaxda kawada doodi doonaan xaaladda Qasa iyo sidii waddamada carabta ay codkooda u siin lahaa Soomaaliya oo u sharaxan xubin ka mid ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Manama ee dalka Bahrain la filayaa in uu kulan duceedyo la yeesho madaxda ka soo qeyb gashay meertada 33-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.