Siyaasiyiinta ugu waa weyn mucaaradka Soomaaliya ayna hormuudka u yihiin Madaxweynayaal hore iyo Ra’isul Wasaarayaal , ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta rabo waxii uu shalay diidanaa markii uu mucaaradka ahaa uu maanta sameeyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayeyna ku eedeeyeen siyaasiyiinta mucaaradka in uu rabo muddo kororsi sharcidarro ah in uu sameesto, isaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya in dalka ka hirgalinayo doorasho qof iyo cod ah oo ay sheegeen in xilligan uusan dalku u diyaarsaneyn.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa eedeynta siyaasiyiinta mucaaradka ku sifeeyay in ay diidan yihiin qabashada doorasho qof iyo cod ah, waxa uuna xusay in siyaasiyiintan qiil ka dhiganayaan hadallo uu horey u jeediyay Madaxweynaha xilligii uu mucaaradka la ahaa.
”Waxaan arkay siyaasiyiin dhowr ah oo qiil ka raadinaya hadallo hore oo madaxda dalku ay xaalad markaas taagnayd ka yiraahdeen, balse waxay moog yihiin in barnaamijka madaxweynuhu uu doorashada ku galay oo barlamaanka iyo umadda Soomaaliyeed uu ka hor ballanqaaday ay ka mid ahayd “qabashada doorasho qof iyo cod ah, dib u eegista dastuurka iyo dib u xoraynta dalka” oo intaba guulo waaweyn Laga gaaray.” ayuu yiri Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in inta badan siyaasiyiinta baaqyada soo saaraya, horey u sameeyeen ballanqaadyo kuwaas la mid ah oo codkoodii ayagoo ballanqaadaya ayaa meel kasta ku jiraan, waxa uuna xusay in siyaasiyiintaasi maanta wax ka duwan wadaan haddaladoodii hore.
Waxa uu sheegay Wadiirka Arrimaha GUdaha Soomaaliya in dowladda uu katirsan yahay ka shaqeeneyso in dalku aado doorasho qof iyo cod ah, waxa uuna ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka in dhiilaha sii cugtaan una diyaar garoobaan doorashada dhaceysa.
Muddo xileedka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda waxaa ka harsan sannad iyo bilooyin , mana muuqato ilaa hadda qabsoomida doorasho qof iyo cod ah oo dalka dhan ka dhacda, waxaana dowladda hadda isku dhacsan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland.