Guddiga arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa Villa Hargeysa kulan su’aalo weydiin ah kula qaatay wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi.
Wasiirka ayaa waxa kulanka ku wehlinaayay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda, Agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo danjirayaal, iyada oo kulanka shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka guddiga ahna sii hayaha guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin uu wehliyo xoghayaha guddiga Xildhibaan Sayid Cali Isaaq.
Wasiirka Axmed Macalin Fiqi ayaa guddiga uga warbixiyay arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga, iyada oo xubnaha guddiga ay wasiirka wax ka weydiiyay shaqooyinka Safaaradaha Soomaaliya , shirkii dowladda Turkiga ay garwadeenka ka aheyd ee Soomaaliya iyo Eithiopia.
Sidoo kale su’aalaha wasiirka la weydiiyay ayaa kamid ahaa shirkii Qurba joogta Soomaaliyeed ee dhowaan lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Dooxa ee caasimadda dalka Qadar iyo arinta dal ku galka wadamada Kenya iyo Hindiya.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga ahna sii hayaha guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin ayaa kulanka soo xiray, sidoo kalena uga mahadceliyay xubnaha ka socday wasaaradda arrimaha dibadda oo uu wasiirka hogaaminayay.
Kulankaan ayaa imaanayaa xilli maalintii shalay uu Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, yeeshay kalfadhigiisi shanaad kulankiisa sideedaad, isaga oo soo gabagabeeyay doodii la xiriirtay hubka sharci darrada ah.