Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay habkii uu dhacay heshiiska lagu xalliyay xiisadda kala dhaxeysay Itoobiya.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka shaqeysay sidii Itoobiya uga tanaasuli laheyd, dhammaan qoddobadii la isku hayay sida heshiiskii Somaliland.
“Arrintii nagala dhaxeysay Itoobiya waxaa lagu xaliyay dulqaadka Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabo, madama ay dhulkeeni nagu qabsatay, diblumaasiyadda waa wada hadal” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hadalka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya xilli bartamaha bishii hore ee Decembar ay heshiis gaareen dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisaddii ka dhalatay isafgaradka Somaliland.