Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in uu socdo qorshe Dowladda ay Madaxtooyada Qaranka uga rareyso Safaaradda Itoobiya.
Fiqi ayaa tilmaamay in aanay macquul ahayn in Safaaradda Itoobiya ay kusii dhex taallo Madaxtooyada Qaranka iyada oo uu bannaan yahay dhulkii ay ka degeneen Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Qorshahaan lagu rarayo Safaaradda ayuu shaaciyay in uu socdo si ay ula mid noqoto safaaradaha kale ee ku yaalla Magaalada Muqdisho kuwaas oo degen meelo ka baxsan aqalka Dalka looga arrimiyo sida uu yiri.
Guri ku yaalla xeendaabka Madaxtooyada ayay ku taallaa Safaaradda Itoobiya, meel quman ma ahan, Dowladda Soomaaliya waxa ay ku qasban tahay in meel kale loo raadiyo, waa in meel munaasab ah u rarato, Waa lagama maarmaan in ay dhulkeeda ku shaqeyso, Dalka Soomaaliya meesha ay asraartiisu taallo oo Madaxtooyada, Golaha Wasiirrada & Baarlamaanku ku shaqeeyaan in ay ku taallo waa arrin laga habboon yahay” Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.
Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sii xumaanayay bilihii u dambeeyay kaddib markii Xukuumadda Addis Ababa ay qaadday tallaabooyin xadgudub ku ah madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.