Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha ay kawada hadleen Xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD.
Danjire Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay casuumtay Xoghaye Workneh Gebeyehu oo wafdi uu hor kacayo maanta la yimid Magaalada Muqdisho si ay ula hadlaan Madaxda sare Dalka.
Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in xaaladda Gobolka gaar ahaan waxyaabaha dhaliyay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya ay kala hadleen Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD loosoo gaabiyo.
“Wafdiga maanta noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha Itoobiya iyo Soomaaliya isku hayaan, waxa aan rajeyneynaa in waxyaabaha taagan qaybtooda ka ciyaarto, innagana aan ku garab istaagno” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Shacabka Itoobiya ayuu u sheegay in aanay wax dagaal ama colaad ah kala dhaxeyn balse cidda ay is hayaan ay tahay Xukuumadda talada heysa oo ku dhaqaaqday heshiis kahor imaanaya midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shacabka Itoobiya dhibaato nagama dhaxeyso, laakiin nidaamka dalkaas ka jira ayaan wax isku diidnay, waxa aan rajeyneynaa waxa gobolka yaallo iska xalismo oo caqliga soo laabto” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi.