Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Ardayda maanta usoo gabagaboobay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare (Fasalka 12aad).
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuuro Mustaf Mukhtaar oo soo xirtay Imtixaanka Dugsiyada sare ee dalka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Dhammaan howlwadeennadii & Hay’adaha amniga ee nabadgalyada xoogga saaray.
Goobaha lagu galay Imtixaanka oo dhan ayay sheegtay in ay ka shaqeeyeen nabadgalyadooda Ciidamada Booliiska isla markaana Ardayda u fududeeyay in ay xitaa Gaadiidkooda ku geeyaan goobaha loo qorsheeyay in ay Imtixaanka ku galaan maadaama meelaha qaar uu saameeyay Roobka sida ay hadalka u dhigta.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga sugayaa waqtiga ay Ardayda u soo gudbiso in ay heli karaan Natiijadooda maadaama dhammaantood ay sugayaan dhibcaha ama buundooyinka ay ka heleen Imtixaanka.