Wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinta Dowladda Hirshabelle ayaa
Agabka Guryaha ee (shilter) buuxa oo ka kooban Baco Bustayaal IWM waxa aay u qeybisay dhowr boqol oo kamid ah qoysaska ku kala nool deegaanada kala ah Leebow ,Bacaad, Hiiran- bile Sabad-caano iyo siigalow.
Isku-duwaha Wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinta gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Khaliif Sabriye oo qoysaskaasi u qeybiyay Agabkaasi guryaha loogu tala galay, ayaa u Mahadceliyay hay’adda SODMA oo gacan ka geysatay agabkaasi qoysaska maanta loo qeybiyay.
Isku-duwaha Wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinta gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Khaliif Sabriye ayaa xusay in muhiimad weyn ugu fadhiyo agabkaasi qoysaska la siiyay madama xilligan jirto cabsi laga qabo fatahaad, waxuuna ballan qaaday in wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle garab istaagi doono qoysaska sameynta ku yeelatay Aafooyinka Dabiiciga ah.
Qoysaskii ka faa’ideestay deeqdaasi ayaa u mahadceliyay isku duwaha Wasaaradda gar-gaarka Cabdullaahi Khaliif Sabriye iyo guud ahaan madaxda Wasaaradda Gar-gaarka Dowladda Hirshabelle.