Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle ku qabatay barnaamijka Kalsooni-dhisidda Hayádaha Dowladda iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ee Degmada Maxaas.
Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii Maamulka Degmadu ugu baahin lahaa bulshada nidaamka dowladnimo si kalsoonida bulshadda guud loo kasbado, dowladdana ugala shaqeyn lahaayeen horumarkooda gaar ahaan adeegyada asaasiga ah iyo amniga.
Waxaa kulankaas ka qeyb galay agaasimo waaxeedyo ka socday wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Maamulka Degmada Maxaas iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.
DHAMAAD .
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA ARIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHEBELLE .