Close Menu
    What's Hot

    Maraykanka oo bariga dhexe u diray Ciidamada ka booda Diyaaradaha

    March 21, 2026

    Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

    March 21, 2026

    MW Laftagareen oo tababar u soo xiray Ciidamo Itoobiya u tababartay Koofur Galbeed

    March 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Maraykanka oo bariga dhexe u diray Ciidamada ka booda Diyaaradaha

      March 21, 2026

      Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

      March 21, 2026

      MW Laftagareen oo tababar u soo xiray Ciidamo Itoobiya u tababartay Koofur Galbeed

      March 21, 2026

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee KGS.

      March 21, 2026

      AkhrisoF-35-tii shiishka lala helay – iyo Iiraan oo burburisay aaminaad laga qabay inaan diyaaradaas wax la gaarsiin karin

      March 21, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Maraykanka oo bariga dhexe u diray Ciidamada ka booda Diyaaradaha

      March 21, 2026

      Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

      March 21, 2026

      MW Laftagareen oo tababar u soo xiray Ciidamo Itoobiya u tababartay Koofur Galbeed

      March 21, 2026

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee KGS.

      March 21, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Warmurtiyeed: Maxay ku heshiiyeen Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga?

    Warmurtiyeed: Maxay ku heshiiyeen Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga?

    By radiohalgan.comApril 8, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo laf-dhabar ay u yihiin dhinacyada Dhaqaalaha, Difaaca, Garab istaagga Soomaaliya, Tamarta iyo kuwo kale sida ku xusan warmurtiyeedka kasoo baxay kulankaas.

    Halkaan ka aqriso warmurtiyeedka oo Villa Somalia daabacday:

    1-Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga;

    Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Sucuudiga waxay adkeeyeen kobcinta isdhaafsiga dhaqaalaha iyo maalgashiga, gaar ahaan Beeraha, Xoolaha, Khayraadka Badda, Dekadaha iyo isu-socodka, iyagoo bogaadiyey kororka ku yimid isdhaafsiga ganacsiga Labada dal oo sannadkii 2022-kii oo ka batay 105% inta uu joogay sannadkii 2021-kii.

    2-Difaaca iyo Amniga;

    Dowladda Boqortooyada Sucuudigu waxay muujisay in ay garab taagan tahay howlgallada dowladda Soomaaliya ay dalka kaga xoreynayso argagixisada, waxayna ugu baaqday beesha caalamka in lagu garab istaago Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada kaas oo ay ka soo hooyeen guulo la taaban karo, sidoo kale Sucuudigu waxay soo dhaweeyeen qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya, kaas oo fududaynaya dib u dhiska iyo qalabaynta Ciidamada Soomaaliyeed.

    3-Madaxbannaanida Soomaaliya;

    Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay cadeysay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

    4-Tamarta, Shidaalka iyo Isbeddelka Cimilada;

    Labada Dowladood waxay isla qaateen in  ay ka yeeshaan iskaashi dhow, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku ammaanatay Boqortooyada Sucuudiga doorka hoggaamineed ee ay ka qaadanayso isu-dheelli-tirka suuqa caalamiga ah ee shidaalka iyo hiigsiyada ku aaddan Bariga Dhexe oo cagaar ah, kaas oo lagu wajahayo saameynta isbeddelka cimilada.

    5-Boqortooyada Sucuudigu waxay bogaadiyeen horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan deyn cafinta oo ku timid hufnaanta maaliyadeed iyo dib u habayn dhaqaale oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, waxayna muujiyeen Boqortooyadu muhiimadda cafinta deynta oo horseedaysa in lagu kalsoonaado, lalana falgalo hay’adaha maaliyadda Soomaaliya.

    6-Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan arrimaha tamarta iyo korontada, dalagyada iyo dawada beeraha, duulimaadyada tooska ah, isgaarsiinta iyo tiknaloojiyada, nidaamka cadaaladda iyo garsoorka, waxbarashada, ciyaaraha iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Maraykanka oo bariga dhexe u diray Ciidamada ka booda Diyaaradaha

    March 21, 2026

    Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

    March 21, 2026

    MW Laftagareen oo tababar u soo xiray Ciidamo Itoobiya u tababartay Koofur Galbeed

    March 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Maraykanka oo bariga dhexe u diray Ciidamada ka booda Diyaaradaha

    March 21, 2026

    Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

    March 21, 2026

    MW Laftagareen oo tababar u soo xiray Ciidamo Itoobiya u tababartay Koofur Galbeed

    March 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.