Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahal ku saabsan xiriirka labo dhinaclaha ah kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Aljeeriya

    May 16, 2025

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahal ku saabsan xiriirka labo dhinaclaha ah kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Aljeeriya

      May 16, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahal ku saabsan xiriirka labo dhinaclaha ah kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Aljeeriya

      May 16, 2025

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Wararkii ugu dambeeyey Trump oo lagu dhaawacay toogasho kadib isku day dil

    Wararkii ugu dambeeyey Trump oo lagu dhaawacay toogasho kadib isku day dil

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 14, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii dhaawac madaxa ah uu soo gaaray balse xaaladdiisa ay wanagsan tahay, sida uu sheegay ololihiisa doorashada kadib markii rasaas lagu furay isaga oo ka hadlay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay gobolka Pennsylvania.

    War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto.

    “Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray.

    Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.”

    Madaxweyne Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa” weerarka. “Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,” “Waa wax xun. “Waa wax xun.”

    Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaa la igu toogtay xabad taasi oo jartay qaybta sare ee dhegteyda midig”.

    “Waxaan isla markiiba ogaaday in ay wax ka khaldan yihiin in aan maqlay dhawaqa xabbado, isla markiiba waxaan dareemay xabbaddu jartay maqaarka,” Waxaa sidaas qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku yiri Trump, oo aan dhaawac halis ah soo gaarin.

    “Waa wax cajiib ah in falkan oo kale uu ka dhici karo dalkeena.”
    Dhinaca kale, ilaalada Secret Service ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “dhowr toogasho ay ka timid meel dusha sare ka ah dhulka oo ka baxsan goobtii uu Trumo ka hadlayey.”

    Waxay sidoo kale sheegeen in hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trumo uu ku dhintay, labana dhaawac halis ah uu ka soo gaaray toogashada.

    Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaha magaalada Butler ayaa sheegay in la dilay ninkii rasaasta furay ee toogashada sameeyey. Waxaa sidoo kale dhintay qof shacab ahaa oo goobta ku sugnaa.

    Trump ayaa soo bandhigayay shaxda tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka soo gudbaya xadka markii ay billaabantay maqalka dhawaqa rasaasta. Trump ayaa la arkayey isagoo gacantiisa midig qoorta ku haya, waxaana ka muuqday wajigiisa dhiig.

    Waxaa si deg deg ah isugu gadaamay saraakiisha ilaalada Secret Service, kuwaas oo kadib kala cararay masraxa, ayada oo dadweynihii goobta isugu yimid ay qeylinayeen.

    Dadweynaha ayaa farxad la qeyliyey markii uu dhulka soo kacay isaga oo xabadka garaacaya. Waxaa kadib goobta loogala cararay baabuur.

    Booliska ayaa kadib billaabay in ay goobta ka daad-gureeyaan dadka kadib markii Trump uu ka tegay.

    VOA

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahal ku saabsan xiriirka labo dhinaclaha ah kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Aljeeriya

    May 16, 2025

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahal ku saabsan xiriirka labo dhinaclaha ah kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Aljeeriya

    May 16, 2025

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.