Qaban qaabada kulan Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu la qaadan Odayaasha dhaqanka Aqoonyahanada Culimada Dhallinyarada Haweenka beesha Xawaadlle ayaa ka socota magaalada Beledweyne.
Wasiir Wasaaradda Badroolka Xukumadda Soomaaliya Xildhibaanno heer Fedaraal ah Taliyaha ciidamada Xoogga dalka siyaasiyiin iyo masuul kala ayaa kulanka qeyb ka ah.
Kulanka uu la qaadano Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) Odayaasha dhaqanka Aqoonyahanada Culimada Dhallinyarada Haweenka beesha Xawaadlle ayaa taliyaha uu kala hadli doona wax ka qabashada xaaladaha gobolka Hiiraan ka jira waxaana lagu wadaa kulanka in go’aanno wax ku ool ah aay kasoo baxaan.