Askar katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa nin dhallinyaro ah ku dilay isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho , xilli halkaasi dad shacab ah ka dhigayeen bannaan-bax cabasho ah .
Sida aan wararka ku helnay askartan katirsan ciidanka ayaa xabbad madaxa kaga dhuftay Cali daahir dheere( Cali Wasiir) oo ahaa nin dhallinyaro ah, waxa uuna xilliga la dilayay ku sugnaa isgooska Siinay oo bannaan0bax ka socday.
Dadka deegaanka oo ka bannaan-baxayay cabasho ay ka qabaan maamulka Wardhiigley iyo kan dgobolka Banaadir ayaa la kulmay rasaas uga timid ciidamo la sheegay in ay ka socdeen saldhigga iyo maamulka degmada Wardhiigley.
Ciidanka dowladda ayaa rasaas ku fureen dadka shacabka ah ee dhigayay bannaan-baxa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah oo kala haaa wiil iyo gabar, kuwaa oo dhaawacyadooda loola cararay xarumo caafimaad
Qaar kamid ah dadkii dhigayay bannaan-baxa ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo ciidanka dowladda, kuwaa ay ku eedeenayeen in si gardarro ah u dilayaan dadka shacabka ah ee loogu tala galay in amnigooda ilaaliyaan.
Dilalka ciidanka u geesanayaan dadka shacabka ayaa kusoo badanaya Muqdisho, waxaana dilalkan aad uga xumaaday dadka shacabka ee caasimadda ku dhaqan, kuwaa oo ka codsaday hay’adaha amniga in tallaabo deg deg ah ka qaadaan askarta dilka geesata.