Israa’iil ayaa xalay duqeyn ka geysatay Suuriya, iyadoo wakaaladda wararka Suuriya, Reuters iyo Al-Jazeera ay xaqiijiyeen duqeynta ka dhacday bartamaha Suuriya in ugu yaraan 4 askari ay ku dhaawacmeen.
Duqeynta ayaa ku soo aaday, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inay Iran keentay gudaha Suuriya gantaaladeeda riddada dheer qorshahaasoo qeyb ka ah weerarka aargoosiga ah ee ay la damacsan tahay Israel.
Israa’iil ayaa si rasmi ah ugu wargelisay magaalooyinka iyo deegaannada ku dhow xadka Lubnaan inay dadku galaan goobo amni ah illaa amar dambe.
Maamulka magaalada Haifa ee Israa’iil oo ka mid ah dhulka la heysto ee Falastiin, ayaa u sheegay Israa’iiliyiinta halkaas deggan inay kaydsasaan cunnada, biyaha iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka ah, iyadoo dadku ay billaabeen inay dhulka hoostiisa ku kaydiyaan
Arrintan ayaa ka dambeysay markii hoggaamiyaha Xisbullah uu ku sheegay magaaladan bartilmaameed muhiim ah, waxaana xirmay dekedda Haifa oo ka mid ahayd aagga wax soo saarka dhaqaale ee Israa’iil.
Laba sarkaal oo Israa’iili ah iyo sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka reer galbeedka ayaa u sheegay wargeyska New York Times, in iyadoo lagu salaynayo xogtii u dambaysay, la rumaysan yahay in Xisbullah ay qaadi doonto weerarka koowaad oo ka dhan ah Israa’iil ka hor weerarka aargoosiga ah ee Iran.
Dhinaca kale, Ciidanka difaaca Yeman oo kaashanaya xoogagga iska caabinta Ciraaq ayaa fuliyay howlgallo wadajir ah oo ay sheegeen inay kaga aargoosanayaan xansuuqa ay Yuhuuddu ka waddo Marinka Gaza.
Bayaan ay soo saareen, ciidamada qalabka sida ee Yaman saaka oo Jumce ah ayaa lagu sheegay inay bartilmaameedsadeen saldhigyo Israel kuleedahay um al-Rashrash, kadib markii ay ku duqeeyeen diyaaradaha aan cidna wadin