Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home ยป Wararkii u dambeeyey dagaalka Gaza ku dhexmaraya Xooggaga Xamaas & Israel

    Wararkii u dambeeyey dagaalka Gaza ku dhexmaraya Xooggaga Xamaas & Israel

    By radiohalgan.comMarch 31, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay, tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii ay buuq iyo fawdo hadheeyeen, gargaar biniโ€™aadanimo oo la geeyey marinka Qaza.

    Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, illaa 15 gaadiid ah oo siday gargaar biniโ€™aadanimo ayaa soo gaadhay gudaha marinka Qaza. Waxaana goobta cuntada lagu qaybinayey ku soo qamaamay kumanaan qof oo doonayey inay helaan wax ay quutaan. Goobtan waxaa hadheeyey buuq iyo sawaxan, hase ahaatee waxaa arrinta uga sii daray, ka dib markii ay ciidamada Israaโ€™iil ee goobta ku sugnaa ay rasaas fureen.

    Sida ay sheegtay bisha cas ee Falastiin, qaar ka mida gaadiidka waaweyn ayaa jiidhay qaar ka mida dadweynihii goobta ku sugnaa, waxaana toogasho lagu dilay saddex qof oo kale.

    Tirada dhimashada ayaa isku noqonaysa illaa 5 qof inta ay xaqiijiyeen ururka bisha casi.

    Muuqaalo kala duwan oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya, buuqa iyo mushkiladda goobtaas ka taagan, waana markii labaad ee muddo ka yar 10 maalmood ay dad sidan u badani ku dhintaan goob cuntada lagu qaybiyo.

    Bishan March 23-keedii ayay ahayd markii ay ciidamada Israaโ€™iil dileen illaa 21 qof oo ka mid ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa goob cuntada lagu qaybiyo, sida ay sheegtay xukuumadda Xamaas ee ka Talisa marinka Qaza, hase ahaatee Israaโ€™iil ayaa iyadu iska fogaysay eeddaas.

    Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay Bishan March 19-keedii ayaa ka digtay, in kala badh shacabka Falastiin ay la nool yihiin gaajo, waxaana warbixintu intaas ku dartay in laga cabsi qabo inay dhinaca woqooyi ee Qaza inay ka dillaacdo macaluul baahsani, haddii aan farogelin degdeg ah lagu samaynin xaaladda Qaza.

    Warbixintan ayaa sheegtay in 1.1 million oo qof oo u dhiganta, kala badh dadka ku nool Qaza, inay ku nool yihiin xaalado nololeed oo aad u adag.

    Woqooyiga Qaza oo hoy u ah illaa 300,000 oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay macaluul u dhintaan, inta u dhexeysa badhtamaha March illaa May, haddii aan wax laga qabanin xaaladdooda nololeed.

    Weli waxaa socda dadaalo kala duwan oo ay wadaan dalalka caalamku kuwaas oo la tacaalaya, inay wax ka qabtaan xaaladda cunto yaraaneed ee ka jirta Qaza, illaa saddex Markab oo sida cunto gaadhaysa illaa 400 oo ton ayaa ka baxay jaziirada Qubrus.

    Hayโ€™adda samafalka ee World Central Kitchen ayaa sheegtay in maraakiibtani ay sidaan cunto diyaara oo ka badan illaa 1 million oo dalab.

    Hayโ€™adda samafalka ee World Central Kitchen oo ay taageerto hayโ€™adda samafalka ee ka dhisan dalka Spain ee Open Arms isla markaana dhaqaalaha ugu badan ka hesha dalka Imaaraadka Carabta ayaa muddo bilo ah ka hawlgalaysay marinka Qaza.

    Masuuliyiinta Qubrus ayaa iskaashi kala sameeyey Israaโ€™iil, sidii loo yagleeli lahaa, marin badeed ammaan ah oo la soo mariyo cuntooyin iyo agab kale oo la sii hubiyey ka hor inta aan loo dirin Qaza.

    Maraykanka ayaa dhinaciisa ka fekeraya inay hirgeliyaan, deked sabbaysa oo ku meel gaadh ah oo loogu talo galay in laga dejin karo gargaarka loo wado qaza. Dekeddan ayaa la filayaa inay dhamaato ka hor bilawga bisha May ee soo socota.

    Hayโ€™adaha samafalka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in gargaar biniโ€™aadanimo laga geeyo dhinaca badda, hase ahaatee waxay ku boorriyeen Israaโ€™iil inay fududayso in gargaar dheeri ah laga geliyo dhinaca dhulka.

    Wasiirka arrimaha debedda ee Urdun Ayman Safadi ayaa sheegay in macaluusha laga cabsi qabo inay ka dillaacdo Qaza in si degdeg ah wax looga qaban karo haddii Israaโ€™iil ay furto xuduudaha. Wasiirka ayaa arrintan ka dhawaajiyey, xilli uu shir jaraaโ€™id la qabanayey wasiirada arrimaha debedda ee Masar iyo Faransiiska.

    Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Israaโ€™iil inay xannibayso gargaarka biniโ€™aadnaimo ee la geynayo marinka Qaza. Inkasta oo ay Israaโ€™iil eedahaas beenisay.

    Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo inay maanta dib uga bilawdaan magaalada Qaahira, wadahadaladii u dhexeeyey Israaโ€™iil iyo Xamaas ee ku aaddanaa sidii heshiis xabbad-joojin ah looga gaadhi lahaa dagaalka Qaza.

    Netanyahu ayaa la kulmaya culays xooggan oo uga imanaya qoysaska la haystayaasha, kuwaas oo ku cadaadinaya in uu ogolaansho ballaadhan siiyo, xubnaha wadahadalada ku metelaya, si loosii daayo eheladooda lagu haysto Qaza.

    Xigasho: VOA

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.