Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Daawo:- War-murtiyeed laga soo saaray shirka Xasan iyo maamullada iyo heshiis la gaaray

    Daawo:- War-murtiyeed laga soo saaray shirka Xasan iyo maamullada iyo heshiis la gaaray

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 17, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ayaa laga soo saaray war-murtiyeed.

    War-murtiyeedkan oo ka kooban Afar qodob ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada.

    Golaha ayaa wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyadoo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka.

    Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran;

    GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ)

    WAR-MURTIYEED

    1. Hordhac

    Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho 14-17 May 2024. Shirka waxaa kasoo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane YuusufXuseenJimcaale (Madaale).

    GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya dhinacyo badan oo xaalada dalka ah. Sidoo kale GWQ wuxuu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, dhameystirka Dastuurka KMG, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta, saameynta roobabka iyo qodobo kale.

    2. Warbixinno

    GWQ wuxuu warbixin balaaran ka dhagaystay Hoggaamiyaha ku-meelgaadhka ah SSC­ Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, hoggaamiyaha oo golaha uga warbixiyay xaaladaha amni iyo bulsho ee SSC-Khatumo.

    GWQ wuxuu Xafiiska Aminga Qaranka ka dhagaystay warbixin qoto-dheer oo ku saabsan guushii laga gaadhay cunaqabtayntii mudada 32 Sano ah saarnayd dalka, sidoo kale Xafiiska Aminga Qaranka wuxuu goloha uga waramay masuuliyada maaraynta hubka, khataraha qaranku waajahayo, iyo qorshaha dowlada ay dajisay kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

    GWQ wuxuu Taliska Ciidanka Xooga dalka ka dhagaysatay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha dalka looga sifaynayo Khawaarijta

    GWQ wuxuu warbixin ku saabsan barnaamijka xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada ka dhageystay Xukuumadda.

    3. Bogaadin

    GWQ waxaa uu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ka gaareen ciribtirka kooxaha argagixisada ee khawaarijta.

    GWQ wuxuu Xukuumada Federaalka ku bogaadiyay guulaha ay ka gaadhay arimaha dayn cafinta, dhaqaalaha, ka mid noqoshada Urur-goboleedka Bariga Afrika iyo siyaasada arimaha dibada.

    Goluhu wuxuu bogaadiyay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee afarta cutub ee Dastuurka KMG.

    GWQ wuxuu sidoo kale dawalada ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jirto ka mid noqoshada Goloha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

    4. Go’aamada shirka ka soo baxay

    GWQ wuxuu si qoto-dheer u falanqeeyay xaalada aminga, siyaasda, iyo xaalada bini aadnimo ee dalku marayo. Sidoo kale GWQ isaga oo tixraacaya heshiisyadii iyo war-murtiyeedyadii shirarkoodii hore, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:

    4.1. Sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada

    GWQ wuxuu markale isku raacay in aminigu uu udub-dhaxaad u yahay qorshayaasha dawalad-dhiska iyo horumarinta dalka.

    Golohu wuxuu ku heshiiyay in si wad-jir ah looga wada qayb-qaato la dagaalanka Khawaarjita, islamarkaana la laba jibaaro gulufka lagu afjarayo nabadiidka.

    Golohu wuxuu taageeray dadaallada ay Xukuumadda Federaalka ku dardargelinayso qorshaha kala guurka ee ciidamada qalabka-sida iyo talaabooyinka ay kula-wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

    4.2. Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta

    Goluhu wuxuu isku raacay in la dardargeliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay.

    Goluhu wuxuu ku dhiiri galiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka iyadoo la tixgelinayo heshiisyadii GWQ ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

    GWQ wuxuu Xukuumada Federaalka iyo hay’adaha sharci dajinta ku dhiiri galinayaa dardargalinta sharciyada, xeerarka iyo hay’adaha ka ratibmaya ansixinta afarta cutub ee dastuurka si dalka ay uga taaba gasho doorasho hal qof iyo hal cod ah.

    4.3. Arrimaha bani’aadamnimada

    GWQ wuxuu qiimeeyay saameynta ay shacabka Soomaaliyeed ku yeesheen roobabka xooggan ee ka da’ay qaybo ka mid ah dalka.

    GWQ wuxuu hay’adaha gargaarka ee heerarka dawladda farayaa dardargelinta gurmadka dadka ay waxyeeladu soo gaartay wuxuuna. shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay isu gurmadaan.

    GWQ wuxuu hay’adaha caalamiga ah ugu baaqayaa iyo kuwa maxaliga ahba in ay gacan siiyaan dadka ku tabaaloobay fatahaadaha xad dhaafka ee saameeyay qayb ka mida dalka.

    Sidoo kale GWQ wuxuu Xukuumada iyo hay’adaha caalamiga ah ku dhiiri galinayaa inay si wada jira uga shaqeeyaan ka hortaga iyo maaraynta saamaynta isbedelka cimilada.

    

    

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.