BELEDWEYNE:Wafdi heer sare ah oo hogaaminayo safiirka Dowlada SWEDEN u fadhiyo Soomaaliya Ambassador Joachim Waern ayaa maanta booqasho ku ymid magaalada Beletweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.
Waftiga waxaa soo dhaweeyey Agaasimaha guud Wasaaradda Beeraha & Waraabka dowlada Hirshabelle Mudane Abdullahi Ali Abdi, iyo masuuliyiin Ka’tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan iyo kan degmada Beletweyne.
Safarka waxaa safarka ku wehliyey Madaxa ugu sareeyo soomaaliya ee Hay’adda FAO iyo Madaxa ugu sareeyo Hay’adda WFP ee Soomaaliya. Ujeedka safarka ayaa ahaa qiimayn iyo kormeer ay ku sameynayaan goobaha laga fuliyey mashruuc horay u dhamaaday oo lagu horumarinaayey beeralayda yarkq & iskaashatooyinka korna loogu qaadayey wax soo saarka Beeraha Dowlada Hirshabelle.
Waftiga ayaa kormeeray goobo kala duwan oo laga hirgeliyey adeegyo kor loogu qaadayo wax soo saarka beeraha iyo qalab tayo leh oo beeralayda si wanagsan uga faaidwyeteen, sidoo kale iskashaatoyiinka ayaa soo bandhigay waxyaabihii loo qabtay caqabadaha jiro ee ugu horayso fatahadaha soo noqnoqdo magaalada.
Ugu dambayn Wasaarada Beeraha Dowlada Hirshabelle, Gudoomiyaha gobolka Hiriaan iyo iskaashatooyinka, oo isku duuban ayaa uga mahadceliyey safiirka Dowlada Sweden, hay,adaha WFP iyo FAO safarka ay ku yimaadeen magaalada Beletweyne, iyo wada shaqayntii 4 tii sano ee uu socday mashruuca kor loogu qaadayey beerlayda yaryar ee laga hirgeliyey degmada Beletweyne.
Mahadsanid