Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali iyo wafdi la socda ayaa gaaray Magaalada Qaahira ee xarunta Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.
Wafdigaan waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jirtay howlwadeenno katirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalkaas iyo Jamhuuriyadda Masar kuwaas oo kulamo hordhac ah wada qaatay.
Safarka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Dalka waxaa ku wehliya Wasiirka Howlaha guud ee & Guryaynta XFS Cilmi Maxamuud Nuur iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Kulamo gaar gaar ah ayay Wasiir Cilmi & Guddoomiye Madaale la qaadan doonnaan mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar si ay uga wadahadlaan xaaladda iyo xiriirka labada Dal.
Sidoo kale wafdiga ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgali doonna Masha Duni Magaalaynta 12aad oo sanadkaan lagu qabanayo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, waxaana madashaan ay socon doontaa 4ta ilaa 8da Nofeembar 2024.
La soco wixii kasoo kordha