Dalalka Jabuuti, Eratariya, Masar, Sudan, Liibiya iyo Naajeeriya, Aljeeriya, Kaamoroos, Gaambiya, ayaa dhammaantood si aan ka leexleexasho lahayn ugu gacan sayray mowqifka iyo tallaabada ay Israa’iil ku dhaqaaqday. Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Jabuuti,iyo Soomaaliya ayaa wadahadal dhanka taleefoonka yeeshay sida lagu yiri qoraal la soo dhigay barta wasaaradda arrimaha dibadda Masar.
Qaar kamid ah waddamadan ayaa aaminsan in ay arrintaan ay tahay faragelin toos oo ay Israa’iil ku sameeneyso xasilloonida gobolka.
Dawladda Soomaaliya ayaa lafteeda si adag uga hor timid aqoonsiga ay Israa’iil aqoonsatay. Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “midnimada iyo madax banaanida dhuleed” aan gorgortan laga geli karin.
Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya waxay “si cad oo aan leexleexad lahayn ugu gacan sayraysaa weerarka ulakaca ah ee lagu soo qaaday madax-banaanideeda iyo talaabada sharci darrada ah ee Israa’iil ay si la soo dhoodhoobay ugu aqoonsanayso gobolka waqooyi ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

