Waan-waan lagu doonayo in xal loogu helo dagaal beeleed dhowaan ka dhacay xadka ay wadaagaan Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka billowday Degmada Jalalaqsi.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa gaaray Jalalaqsi ay isugu keenaan duubabka dhaqanka ee labada beel iyo saraakiisha loo xilsaaray in ay kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.
Wafdigaan waxaa qayb ka ah Wasiirka Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, Guddoomiyaha Maxaas, Taliyaha ciidanka Booliiska Dowlad-Goboleedkaas & xubno kale.
Dhinaca Maamulka Gobolka Hiiraan waxaa ka socda Guddoomiyaha Gobolkaas Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow, Guddoomiyaha Jalalaqsi & saraakiil ciidan, waxaa durba billowday waan-waan iyo in ay dhinacyadaan kawada hadlaan habka loo wajahayo wadahadalka labada beelood.
Dagaal-beeleedka ka dhacay xadka ay wadaagaan Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac, barakac iyo Dilal la xiriira aanooyinka waxaana colaaddu ay saamaysay Dadka deegaanka.