Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waalidka wiil Soomaali ah oo ku eedeysan in uu walaalkii ku dhex dilay gurigii ay degganaayeen

    Waalidka wiil Soomaali ah oo ku eedeysan in uu walaalkii ku dhex dilay gurigii ay degganaayeen

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 6, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Jimcahii lasoo dhaafay wiil dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed ku nool dalka Norway gaar ahaana magaalada Lørenskog ayaa sida la sheegay walaalkiis ku dilay iyaga oo ku sugan gurigooda.

    Wiilka ku eedaysan in uu dilka geystay ayaa walaalkiis Axmed Saciid Muuse oo ahaa 26 sanno jir waxay ahaayenen labadii da’ood ee isku xigtay.

    Xilliga dilku dhacayay labada waalid ee wiilasha ayaan labaduba joogin dalka Norway. Hooyada dhashay labada wiil oo ganacsato ah ayaa ku maqnayd Dubai halka Aabbaha dhalay wiilasha isna uu ku jiray Ingiriiska. Labada waalid ee dhalay wiilasha waa kuwo aan isqabin.

    Hadda wiilashase waxay la noolaayeen Hooyadood.

    Ciidamada booliiska magaalada oo goobta shilka ka dhacay yimid ayaa xidhay ninka ku eedaysan in uu dilay walaakiis, booliiska ayaana sheegay in ay xabadi ku taalo wiilka dhintay iyadoo dhacdadani argagax gelisay qoyska labadaan wiil iyo Soomaalida kale ee ku nool magaalada ee taqaanay.

    Warbaahinta dalkaas war ka qoray arrintaan ayaa sheegtay in booliiska oo baadhitaan ku sameeyay dhacdadaan uusan wali wax war ah oo rasmi ah kasoo saarin, waxayna booliiska magaaladu gacanta ku dhigeen hubkii la sheegay in wax lagu dilay.

    Wiilka ku eedaysan in uu dilka geystay ayaana sii xidhnaan doona muddo 4 toddobaad ah.

    Ku eedaysanaha dilka ayaa horey loogu xukumay in uu ku xadgudbay sharciga waddooyinka, balse aabbaha dhalay wiilka ayaa sheegay in taasi ayna ahayn wax weyn isaga oo ilmo yar ahna ay ahayd markaas.

    Booliiska oo baadhitaan ku samaynaya goobta dilku ka dhacay

    XIGASHADA SAWIRKA,HALLGEIR VÅGENES / VG

    Qoraalka sawirka,Booliiska oo baadhitaan ku samaynaya goobta dilku ka dhacay

    Duqa magaalada Lorenskog oo ah meesha uu falku ka dhacay, Amine Mabel ayaa sheegtay in ay tahay dhacdo murugo leh oo aan hadal lagu qeexi karin, waxayna sheegtay iyada qudheedu in ay u dhowdahay meesha dilku ka dhacay.

    ‘‘Guud ahaan xaaladdu waa mid murugo leh, waxaana u tacsiyaynayaa qoyska iyo saaxiibada kuwo dhacdadan foosha xun gaadhay” ayay tidhi mar ay warbaahinta la hadashay.

    Aabbaha dhallay labada wiil, Saciid Muuse Muraase, oo isagoo murugaysan BBC-da u warramay ayaa sheegay in ay qaadan waa’a ku tahay waxaan dhacay, aadna u xanuun badantahay arrintan, haddana uusan ogeyn halka uu keenay “hubka uu wax ku dilay wiilkiisa wax dilay”.

    “Qof walba wu garan karaa xanuunka ay ku leedahay qofka waalidka ah, qof iimaanleh baan ahay waanse ku samrayaa,” ayuu cod muruggo leh ku yidhi.

    Waxuu sidoo kale aabbaha labada wiil sheegay in ay labaduba ahaayeen kuwo wanaagsan horeyna ayna u gelin wax danbi ah waxuu sidoo kale sheegay in wiilkan hadda falka in uu gaystay ku eedaysan uu ahaa mid reerka laf dhabar u ah oo u shaqaynaayay nin waxbartayna uu ahaa, “Maxamed waxuu ahaa nin reerka dhan kuwada diirsaday – nin fulltime shaqeeyana wuu ahaa qadar baanse la baajin Karin.”

    Norway

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Dhallinyarada ku nool dalkaan Norway ee Soomaalida ah ayaa kamid ahaa sanadahii hore kuwo ugu dhibka yar ee bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha jirta, balse sanadahii danbe waxaa ku badanaya dhacdooyinka dilka Soomaalida dhexdooda ah iyo kuwa danbiyada ka qayb qaadanaya ama geysanaya.

    “Dhacdooyinka soo badanaya ee Soomaalida waxaa dhiirrigelinaya, shaqo la’aanta [dhallinyarada] waxbarashada oo ay ka tageen iyo iyaga oo aan helin bilowgoodda koobaadba helin barbaarin wanaagsan iyo cid si fiican ula socoto waxbarashadooda,” ayuu qabaa Cumar Cabdi Afey oo ah saxafi hore haddana ku nool Norway arrimaha Soomaalidana indha-indheeya.

    Cumar waxuu aaminsanyahay sidoo kale guurguuritaanka qoysaska Soomaalida, carruurta waxbarashada inta laga saaro kolba wadan la geynaayo iyo ka war hayn la’aanta cida ilmahu la saaxiibaayo in ay door muhiim ah ka ciyaaraayaan sare-u-ukaca danbiyada Soomaalida ee dalka Norway.

    “Inta badan waalidka Soomaalida ee halkaan [qurbaha] Ilmaha cunto, waxuu xidho iyo meel ay ku noolaadaan way siinayaan; balse waxaa meesha ka baxay la socodkii ilmaha xaalkiisa taas markay meesha ka baxdana ilmaha waa ka faa’iidaysanaya cid walba oo danbi ka shaqaynaysa.” Ayuu yidhi Cumar oo aan warraysanay isaga oo ku sugan magaalada Oslo.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.