Weerraryahanka Liverpool ee Darwin Nunez ayaa la barbar-dhigay halyeygii Arsenal ee Thierry Henry kaddib bandhiggiisii ugu dambeeyey iyo goolashii uu dhaliyey kulankii Bournemouth ee Vitality Stadium
Darwin Nunez ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay isagoo qaab qurux badan u dhaliyey laba gool oo aanu isku dhibin oo kubbado uu si fudud u taabtay uu shabaqa taabsiiyey.
Halyeygii Liverpool ee Phil Thimpson oo la hadlay warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegay, in Darwin Nunez uu soo xasuusiyey Thierry Henry, waxaanu yidhi: “Arrinta wanaagsan ee Darwin uu haysto, waa in ay taageereyaashu jecel yihiin. Marnaba ma istaago oo isma dhiibo, mar walba waa uu dedaalayaa oo wuu ordyaaa. Waa run in uu marar badan fashilmo laakiin taageereyaasha Arsenal way jecel yihiin, isaguna ma joojiyo isku-dayga.
“Aniga waxay ila tahay inuu u baahan yahay inuu hagaajiyo dhamaystirkiisa, sida ciyaartii Bournemouth oo kale. Waxa uu samaynayay dhaqaaq wanaagsan, waxaanad moodaysay sidii Thierry Henry oo kale.”
Darwin Nunez oo Liveprool ay xagaagii sannadkii hore £85 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Benfica, ayaa 73 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay waxa uu u dhaliyey 25 gool.