Lamaane ku nool magaalada Kano oo loo yaqaanno “caasimadda furiinka” ee dalka Nigeria, ayaa lagu ammaanay guurkooda dheer kadib markii ay dhawaan u dabaaldegeen sannad-guuradii 50-aad ee guurkooda.
Maxmuud Kabir Yuusuf iyo Rabiatu Tahir, ayaa BBC-da uga warramay sirta farxaddooda iyo sababta guurka badan ee uu u fashilmo magaalada waqooyiga Nigeria ku taalla ee Kano, muuqaalka ay arrintan ku sharaxeen ayaa falcelin badan dhaliyey.
Maxamuud Yuusuf, oo 76 sano jir ah ayaa arrintan ku macneeyey xaaskiisa oo leh sifooyin deeqsinimo iyo naxariis, isagoo BBC-da u sheegay “Iyadu waa qof nafta uu hurtay , wax badanna ka qayb qaadatay guusha guurkeena.”
Markii weerahan ay afkiisa ka soo baxeeyey Yuusuf, xaaskiisa Taher, waxa ka muuqday farxad, hadda Taher waa da’da lixdameeyada. Iyada qudheedu waxay ninkeeda ku ammaantay dulqaad iyo adkaysi marka dhibaatooyin soo wajahaan dhammaan qoyska. Qoyska Maxmuud iyo Taher, waxay leeyihiin saddex iyo toban ilmood.
Intii uu waraysigu socday, labada lamaane ayaa dhoosha ka qoslayey iyagoo sheegay inay is jecel yihiin oo ay is ixtiraamaaan sidoo kalana midba midka kale ku indho qabowsado.
Xasna Maxamuud, waa 39 sano jir, waxaa la furay shan jeer, waxaa la yaab ku ah qoyskan waxay sheegtay inay la dhacsan tahay lamaahan iyo sida ay raali isaga yihiin noloshooda.
“Dhammaan guurarkaygii, waxaan kaliya afar sano la qaatay hal nin, waxaa wax la yaab leh igu noqday markaan ka arkay baraha bulshada iyagoo u dabaal dagaya guushan weyn. Waxaan dareemaa murugo markaan maqlo dadka ugu yeeraya Kano ‘caasimada furriinka ee Nigeria’ waxaana rajeynayaa inay wax isbedel ah doonaan..”ayey tiri Xasna.
“Dhammaan nimankayga waxay ahaayeen kuwo naxariis badan oo i daryeeli jiray muddada ballanka laakiin way is beddeleen arooska ka dib,” ayay raacisay hooyadaas dhashay afar carruur ah.
Magaalada Kano, waxaa loogu yeeray magacan ka dib markii uu heerka furiinka gaaray meel sare sagaashameeyadii, magaaladuna ma helin in sumadaas laga tirtiro.
Boqolaal guur ayaa bishiiba burbura gobolka ugu dadka badan Nigeria, kaas oo caasimaddiisa ay tahay Kano, oo ah xudunta ganacsiga ee waqooyiga dalka.
Sannadkii 2022-kii, cilmi-baadhis ay samaysay BBC-da oo kaashanaysa dawladda hoose ee Nigeria, ayaa daaha ka qaaday in 32% guurka gobolka Kano, uu socdo oo keliya inta u dhaxaysa saddex ilaa lix bilood.
Cilmi baadhistan ayaa sidoo kale daaha ka qaadday in dadka qaar ee da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 25 ay guursadeen saddex jeer.
Baaxadda go’doominta ayaa ah mid walaac leh, gaar ahaan Hisbah, oo ah hay’ad Islaami ah oo ay maalgeliso dawladda Kano, una qaabilsan arrimaha akhlaaqda iyo fulinta shareecada Islaamka ee gobolka.
Hay’addan ayaa waxaa ku jira unug booliis ah oo fuliya waxyaabaha ay ka mid yihiin kala soocidda jinsiga ee goobaha caamka ah iyo mamnuucidda khamriga dadka muslimiinta ah, kuwaas oo ah dadka ugu badan, waxayna sidoo kale bixisa adeeg la-talin ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo lammaanaha dhibaataysan.
Safaf dhaadheer oo dumar ah ayaa inta badan la arkaa iyagoo safaf ugu jira bannaanka xafiisyadeeda iyagoo ka cabanaya in raggoodii hore aysan ka caawinin inay masruufaan caruurtooda.
Dadka ku nool magaalada Kano, ayaa u badan kuwa ku guursada da’ada hore.
Aminu Durawa, waxa uu ka shaqeeyaa haya’adda hisbah, waxaa uu sheegay in si wax looga qabto furriinka faraha badan, ay tahay in lamaanayaasha la siiyo fursad labaad iyo in si wanaagsan loogu diyaariyo nolosha guurka.
Haya’addu waxay qabanqaabisaa guur wadareed, oo loo yaqaan “oren zuwarawa”, inta badan dadka iska guursada ayaa is fura.
Waxa kale oo ay siisaa kuwa dhawaan guursaday, qadar yar oo dhaqaale ah si ay uga caawiyaan abuurista ganacsi iyo iibsashada alaabta guriga ee aasaasiga ah.
Dadaalku waxa uu bilaabmay 2012, haddana Durawa waxa uu qirtay in heerka furriinka uu weli sarreeyo.
“Dhibaatooyinkan waanu ka war-haynaa, waana sababta aanu u samaynay guddi daba-gal ku sameeya lammaane kasta marka ay is guursadaan, si aanu u helin natiijo la mid ah tii hore.”ayuu yiri Durawa.
Laakiin Hadiza Addo, oo ah aasaasaha NGO-ga Haweenka iyo Dhallaanka, ayaa sheegtay in tirada furriinka ay sii kordheyso.
“Waqtigan xaadirka ah waxaan xafiisyadeena kala duwan ka helnaa ilaa 30 codsi oo guur ah maalintii,” ayay u sheegtay BBC-da.
Waxa ay tilmaantay in dhaqaalaha Nigeria oo xumaaday ay tahay sababta ugu weyn ee xilligaan la isku furayo,maadaama lamaanayaasha ay u soo baxaan nolol maalmeedkooda, marmarka qaarna ay guriga yimaadaan wax la’aan, taasi oo keenta muran.
C/llaahi Isxaaq Garangamawa oo ka mid ah culimada Islaamka ayaa difaacay arrintaas, isagoo BBC-da u sheegay: “Islaamku waa naxariis badan yahay oo guurka iyo furriinka ayaa ka dhigay mid adag si aysan dadku u dareemin xannibaad marka ay xaaladdu wanaagsan tahay.”
“Waagii hore, ma aanan arkin furriinka badan, maadaama waalidiinteen ay isqabeen muddo tobanaan sano ah, dhawaanahan, dadku waxay bilaabeen inay nidaamkan ku xad-gudbaan dano gaar ah,” ayuu yidhi.
“Laakiin nuxur ahaan, si ka duwan diimaha qaarkood oo u arka guurka inuu yahay xukun dil ah iyada oo aan loo eegin xaaladda, Islaamku wuxuu fasaxay furiinka marka arrimuhu faraha ka baxaan.”
Dhankiisa, Yuusuf, oo u shaqayn jiray Nigeria Airways, ayaa ku macneeyay in wadaagga dhibka nolosha iyo is kaalmaynta ay muhiim u tahay wada shaqaynta joogtada ah ee uu la leeyahay Tahir.
“Jacaylku sidoo kale waa furaha nolosha, sababtoo ah markaad si dhab ah isu jeceshahay, waxaad u janjeertaa inaad isla joogtaan… Taladayda dadka is guursanayaa maaha inay u galaan danaystenimo, iyo arrimo shakhsi ahaaneed, laakiin ujeedo daacad ah.”ayuu yiri Yuusuf.
Xaaskiisa way ku raacday arrintaas, waxayna raacisay: “Taladayda gaarka ah waxay tahay in dadka doonaya inay is guursadaan ay isu samraan, haddii mid ka mid ah uu xanaaqsan yahay kan kale ha isdejiyo.”