WAR SAXAAFADEED DEG DEG AH
Xisbiga Daldhis waxa uu si weyn u Cambaareynayaa dagaalka xalay iyo maanta ka socda
magaalada Beledweyne.
Waa nasiib darro in dano siyaasadeed shacabka lagu dilo, lagubarakiciyo hantidoodana lagu baabiyo.
Shacabka taabaaleysan oo ku jira cibaadada bisha
barakeysan waa in laga daayo barakicinta ayidoo lahubo in aadan ku gaari doonin dano
shaqsi ah.
BAAQ KU SOCDA SHACABKA
Xisbiga Dladhis waxa uu ugu baaqayaa in shacabku isdejiyaan oo aysan ku milmin dano
siyasadeed oo la ogyahay halka ay ku dhamaanayaan.
Waa in shacabku ilaashado
nabadgelyadiisa kana diktoonaadaan dhagarqabayaasha marba shaati usoo gashanaya.
BAAQ KU SOCDA DOWLADDA FEDERAALKA
Xisbiga Daldhis waxa uu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Xasan
Sheekh in aad joojisaan dhibaatada ay ku hayaan shacabka Maamulada isdiidan, waayo
Hirshabeelle kama taliso Hiiraan, maamulada kale oo is magacaabay oo mid kasta loogu
yeero Hiiram State ayagauna kama taliyaan.
Dhibaatada ka dhalatay siyaasadahan is-diidan
waxa ay carriiri geliyeen nolosha shacabka amni ahaan dhaqaale ahaan iyo dhinac kasta.
Sidaas darteed waxa lama huraan ah in Dowladda Federaalka ah ay qaadato go’aan wax ku
ool ah oo lagu soo afmeerayo xaaladan murugsan.
BOGAADIN
Xisbiga Dladhis waxa uu bogaadinayaa dadaalada Odoyaasha dhaqanka, ganacsatada iyo
wax garadka oo hakiyay dagaalka oo ku guuleystay in ay ciidamada kala qaadaan. Waxan
idinka codsaneynaa in aad dadaalkiina halkaa kasii wadaan oo ku sintaan Dowladda
Federaalka.
Ugu dabeyn intii dhimatay Illaahey ha u naxariisto inta dhaawaca ahna ha bogsiiyo.
=== Dhamaad ===