Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa maxay xaaladda lagu dhasho ee wadna furanka? Dhaqtarka Soomaaliga ah ee fuliya qalliinkaas oo BBC-da la hadlay

    Waa maxay xaaladda lagu dhasho ee wadna furanka? Dhaqtarka Soomaaliga ah ee fuliya qalliinkaas oo BBC-da la hadlay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 12, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wadnuhu waa mid ka mida xubnaha ugu muhiimsan jirka bini’aadanka ee qabta shaqo la’aanteed uusan qofku noolaan karin. Si la mida xubnaha kale ee jirka waxaa jira xanuuno ku dhaca wadnaha.

    Xanuunada ku dhaca waxay u qaybsamaan kuwa lagu dhasho iyo kuwa ku dhaca qofka isaga oo weyn hase yeeshee sida ay muujisay cilmi baaris ay sameeyeen dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Erdogan sanadkii 2021-kii ayaa muujisay in bukaanada carurta ah ee booqday qaybta wadnaha ee Isbitaalka kuwaasoo qabay cabasho la xariirta wadnaha boqolkiiba lixdan qabeen xanuunada wadna furanka ama wadne daloolka.

    Markii ugu horeyeysay taariikhda Soomaaliya ayaa dhowaan yeelatay xarun lagu fuliyo qaliimada wadna furanka iyo dawayntooda gaarka ah taas oo howl gashay bishii Maarso ee sanadkan.

     

    Dr. Cabdinaafic Maxamuud Xuseen, ayaa sheegay inuu yahay dhaqtarkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka suurta galiyay qalliimada wadnaha furan isaga iyo koox isugu jirta dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal sare oo ka kala yimid turkiga iyo wadanka gudihiisa. Xaruntaan ayaa ku guulaysatay fulinta qaliimadii ugu horeyey ee wadnaha ee lagu sameeyey bukaano qabay xanuuno kala duwan oo dhanka wadnaha ah.

    Waxaa uu BBC-da u sheegay in in hirgalinta xaruntan ay waxbadan ka tari doonto heerka daweynta xanuunada ku dhaca wadnaha maadaama uusan dalku horey u lahayn xaruntan oo kale ah.

    Dhaqtar Cabdinaafic, wuxuu tilmaamay in ilaa furitaanka wajiga kowaad ee howlgalkooda ay fuliyeen ilaa toddobo qaliin oo wadnaha ah, kaas oo lagu sameeyey bukaanno qabay xanuunno wadnaha la xiriira.

    Muxuu yahay xanuunnada wadnaha ee carruurtu ku dhashaan?

    daloolka wadnaha

    XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

    Sida uu BBCda u sheegay Dr.Cabdinafic Maxamuud Xuseen, oo ah Maamulaha waaxda qaliimada furan ee Isbitaalka Erdogan oo hore loo oran jiray ‘Digfeer’, in xanuunada wadnaha ee caruurtu ku dhashaan ay ka mid yihiin daloolka wadnaha, xiddidada waawayn ee wadnaha ee isku furma ama qaybaha kale ee wadnaha oo qaab dhismeedkeedu cilad ku timaado.

    ‘‘Wadne furanka ama daloolka wadnuhu waa xanuun inta badan carruurtu ku dhashaan, kaas oo ah in Ilmuhu dhasho isagoo wadnihiisa qaab dhismeedkiisa uusan caadi ahayn, kaas oo keenaya in shaqadii wadnaha ku timaado culays ama dhibaato” ayuu yiri Dr. Cabdinafic.

    Wuxuu tilmaamay in heerka wadne furanka ee carruurta qaar ku dhashaan ay kala duwan yihiin kaas oo ay ku xirantahay nooca daloolka ee wadnaha qabo ‘‘ Waxay ku xiran tahay heerka daloolka wadnaha ee Ilmuhu ku dhasho, heerka dawada ee uu bukaankaasi u baahan yahay”

    Calaamadaha ilmaha ku dhasha wadne furanka ama wadne daloolka

    Dr. Cabdinafic Maxamuud,

    XIGASHADA SAWIRKA,DR. CABDINAAFIC

    Qoraalka sawirka,Dr. Cabdinaafic Maxamuud, Madaxa Qaybta Qaliimada Wadnaha ee Isbitaalka Erdogan Muqdisho

    Waxaa jira calaamo kala duwan oo lagu arki karo Ilmaha ku dhasha wadne furanka marka uu dhashaba taas oo muujinaysa in uu xanuunkaas ka qabo wadnaha sida uu BBCda u sheegay Dr Cabdinafic.

    Calaamada waxa ka mid ah

    • Ilmaha oo ku dhasha isago oo jirkiisa midab ahaan beddelan yahay ama buluug u eg yahay
    • Ilmaha oo diida inuu nuugo naaska hooyada.
    • Neefta oo ku yar ama Ogsajiinta oo si hufan u qaadan waayo.
    • Tabar darro.
    • Firfircoonida oo ku yaraata..
    • Daal badan iyo qufac joogta ah
    • Cunada oo uusan si fican u qadan karin
    • Koritaanka oo yaraada.

    Dr. Cabdinafic, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in marka calamaadaas lagu arko Ilmaha isla marka uu dhasho ama ilaa qayb ahaan uu soo gaaro da’da ila afar sano jir ay muhiin tahay in lala xiriirsiiyo dhaqaatiirta ku shaqada leh wadnaha.

    ‘‘Waxaa suura gal ah in bukaano loo samayn karo dawayn xilliga ku haboon ee wadne furanka, laakiin waxaa mararka qaar uu gaari karaa heer aan waxba laga qaban karin,marka xilli kasta waxaa fiican in waqti hore la geeyo dabiib bukaanka si loola tacaalo” ayuu BBCda u sheegay Dr.Cabdinafic.

    Waxaa xusid mudan sida dhaqtarku sheegay in ilmuhu uu qabi karo wadne furan marka uu dhasho balse uu xanuunka qabi karo ilaa inta uu da’a weyn gaari kara taas oo ku xiran heerka xanuunka.

    “Qofkii ugu horreeyey ee qalliin wadne furanka loogu sameeyo Soomaaliya”

    Dr. Cabdinaafic

    XIGASHADA SAWIRKA,DR. CABDINAAFIC

    Qoraalka sawirka,Dr. Cabdinaafic iyo dhaqaatiir kale oo fuliya qaliin wadnaha ah

    Tan iyo markii la furay xarunta qaliinka wadnaha ee Isbitaalka Erdogan ee Muqdisho Bishii Maarso, bukaan da’adiisu ahayd 22 sano jir lab ah, ayaa lagu samaeeyey qaliin furan oo wadnaha ah. Sida uu BBCda u sheegay Dr. Cabdinaafic.

    ‘‘Waxaa Isbitaalka yimi nin dhalinyaro ah oo an markiisii hore u imaan xanuun la xiriira wadnaha balse baaritaano lagu sameeyey ka dib ayaa la ogaaday in wadnihiisu daloolo cabir gaarsiisan 4cm oo wareeg ah sidaasna loogu sameeyey qaliin lagu sameeyey wadnihiisa, waana lagu guulaysaty qaliinkaas” ayuu yiri dhaqtar Cabdinafic.

    ‘‘Bukaano kale oo gaaraya lix ayaa sidoo kale qaliimo wadnaha loo sameeyey” ayuu intaas raaciyey.

    Noocyada daweynta wadna furanka

    qaliimada wadnaha

    XIGASHADA SAWIRKA,DR. CABDINAAFIC

    Madaxa Xarunta Qaliimada furan ee Isbitaalka Ex-Digfeer ee Muqdisho, Dr Cabdinaafic, ayaa BBC-da u sheegay in bukaanka qaba xaaladdan ay heerkiisa daweyntu kala duwanaan karto.

    ‘‘Mararka qaar waxaa suura gal ah in daloolka wadnaha uu bukaanka iskiis u xirmo isagoo an wax dawo ah madaama laga yaabo in daloolki yaraa markiisii hore, marar waxaa ku filan dawo la siiyo, marna waxaa la adeegsan Qalabka ‘Angiographic Intervention’, kaas oo ah tubo lagu gaaro wadnaha si halkaas loogu xiro duleelka. Laakiin marka waxaa loo baahdaa in la sameeyo qaliin furan oo ah in laabta la dilaacsho bukaanka dabadeedba la daweeyo wadne furanka” ayuu yiri Dr. Cabdinafic.

    Soomaaliya oo ah dal dowladdnimadiisu soo kabanayso ayaa hadda heerkiisa caafimaadku gaaray in Muqdisho laga furo qayb ka mida Isbitaalka Erdogan oo qaliimada wadnaha lagu sameeyo balse nooca qalabka iyo dadka aqoonta u leh ayaa ku yar dalka.

    Dr. Cabdinafic, oo ah dhaqtarkii ugu horeeyey ee qaliin wadnaha ku sameeyey gudaha Soomaaliya ayaa xusay in qalabka oo qaali ah iyo qubarada loo baahanyahay oo helideedu adagtahay darteed muddadaas dalka dib ugu dhigtay in la helo xarumo qaliim wadnaha fulisa.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.