Si kasta oo aan isugu dayno aniga iyo adiga iyo dhammaan dadka nagu xeeran, misna hadii wadku na daayo waxaa na deyneyn gaboow.
Waa geedi socod qofkasta uu marayo, balse dhammaan isku si uma wada gaboowno, taasina waxaa caddeyn u ah bani’aadanka iyagoo isku da’ ah ayey haddana siyaabo kala duwan da’ada uga muuqataa.
Seynisyahanada ayaa aaminsan sababta inay tahay kala duwanaashaha bayooloji kaas oo go’aamiya sida degdegta ah ee qof walba u duqoobayo, waxaana loo yaqaan Noocyada da’da.
Noocyada da’da
Michael Snyder waa khabiir bayooloji waxa uuna hurmuud ka yahay cilmibaarista. Snyder sidoo kale waa madaxa qeybta hiddo-sidaha ee jaamacadda Stanford ee dalka Mareykanka. Cilmibaarista waxaa ka qeybgalay 77 qof.
“Waa hababka da’ada. Siyaabo kala duwan ayaan u gaboownaa. Dadka qaar habkooda difaaca jirka ayaa degdeg u gabooba, halka kuwa kalena ay la xiriirto kelyaha ama nidaamka dheefshiidka kaas oo keena gabow degdeg ah” ayuu yiri Snyder.
Sidoo kale Synder wuxuu sheegay in xubin kasta oo jirkeena ah ay kala duwan yihiin, waxa uu sheegay in ay tahay sida gaariga qeybahiisa oo kale oo marba mid uu xumaado.
Waxyaabaha kale ee la xiriira gabowga jirka waxaa ka mid ah marka dheefshiidka oo mas’uulka ka ah in cuntada uu ka dhigo tamar kana saaro waxyaabaha sunta ah uu u duqoobo si ka dhaqsiyo badan qeybaha kale ee jirka sida lagu sheegay cilmibaarista.
Dheefishiidka marka ay waxyeelo gaarto waxay keeneysaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin cayilka, wadno-xanuunka iyo macaanka. Habka difaaca jirka, kelyaha oo duqbooba iyo beerka oo si fiican aan u shaqeyn waxay keenaan gabow.
Dr. Maxamed Cali Xirsi oo loo yaqaan Dr. Ugaas waxa uu ka hawlgalaa isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ku takhasusay cudurada maqaarka. Waxa uu noo sharaxay waxyaabaha keena in maqaarkeena degdeg u gaboobo.
“Da’da labo qeyb ayey ku timaada mid waa dabiici waana 10%, dhammaan dadka way ku wada dhacdaa, balse waxaa jira waxyaabo kale oo fududeeya in qofka ka muuqato duqnimo, waxaana keena falaaraha cadceedda” ayuu yiri Dr. Maxamed.
Dhakhatarka waxa uu sidoo kale sheegay waxyaabo ay ka mid yihiin sigaarka iyo tubaakada inay qeyb ka qaataan in jirka duqoobo.
“Wadankeena waxaa jira waxyaabo fududeeyo in da’ada ay degdeg qofka uga soo muuqato waxaana ka mid ah walxaha kiimikada iyo waxyaabaha laysku qasqasay ee inta badan dhalinyarada wajiga marsadaan”
Dr. Maxamed waxa uu sidoo kale sheegay in waxyaabaha laysku cadeeyo ay dilaan unugyada ka hortaga falaaraha cadceedda.
Mar uu ka hadlayay kolojiinka waxa uu yiri “Waxaa laga helaa kan ugu wanaagsan cuntooyinka aan maalin kasta cuno, waa jiraan mid afka laga qaato iyo mid la marsado”.
Dadka qaar ayaa isticmaala Kolajiin si ay uga hortagaan in maqaarka uu sii xumaado. Kolajiin waa borotiin siiya maqaarkeena qaab dhismeedkiisa. Marka aan ka baxno da’ada dhowr iyo toban jirkeena waxaa ka sii yaraada Kollajiin-ka uu soo saaro. Hoos u dhacaas waxaa lagu qiyaasay 1 boqolkiiba sanadkii. Tani si tartiib ah ayey hoos ugu dhigtaa qaab dhismeedka maqaarka, waxayna keeneysaa in jirka uu laablaab yeesho.
Kareemooyinka aan sida caadiga jirka marka uu qalalo ugu qoyno waxay biyo geliyeen unugyada maqaarka. Tani waxay ka dhigtaa maqaarka mid biyo hela balse kama hortagto waxyaabaha asaaska u ah duqoowga taas oo ah in kolojiinka uu meesha ka baxo.
Waxaa jira waxyaabo kale oo keena gabowga waxaana ka mid ah sida wadnaha iyo xididdada dhiigga u shaqeeyaan.
Kalliopi Gkouskou oo ku takhasustay bayoolojiga kana tirsan jaamacadda Athens ee Giriigga ayaa iyada iyo seynisyahanno kale daabacay climibaaris sheegeysaa in waxyaabaha kale ee gabowga keena lala xiriirinayo maskaxda oo aan shaqeyneyn iyo habka neerfaha.
Cilmbibaarayaasha waxay doonayaan in ay ogaadaan waxa ku dhaca jirka bani’aadanka marka uu qofka sii weynaado.
Dadka waxay raacaan hab bayooloji kaas oo go’aamiya qeybta jirka ee hor duqoobeysa iyo tan gadaal ka gaboobeysa.
Haddaba sidee ayaan da’ada halkeeda ugu hayn karnaa? Hal dariiq waa hab nafaqo leh. Cuntooyinka ay ku badan yihiin Fitamiin C-ga ayaa la aaminsan yahay in ay kordhiyaan in la soo saaro kolojiin badan. Waxaa lagu taliyay in laga fogaado cabista sigaarka iyo cadceedda oo aad laysugu dhigo.
IIlaa hadda ma jiro hab la isku raacsan yahay oo looga hortago gabowga.