Cutubyo ka tirsan ciidamada gorgor ee xoogga dalka ayaa gaarey deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, xilli xiisad ka dhalatay doorashada Jubbaland ay weli taagan tahay.
Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka GorGor G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sugida Amniga deegaannada gobolka Jubbaland.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in sidoo kale ay amniga kala wareegayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, siina xoojin doonaan dagaalka AS.
“Ujeedka ciidamada waa in ay la wareegaan dhammaan ay ka baxeen ATMIS, waajib ayaa innaga saaran xaqiijinta Amniga guud ahaan dalka, waa in aynu dalka ka saarna AS” ayuu yiri Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka GorGor G/dhexe Xasan Aadan Maxamed.
Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli weli uu taagan yahay khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland, kaasi oo salka ku haya doorashada Maanta Axmed Madoobe ee ka qabsoontay magaalada Kismaayo.