Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa maxay cudurka busbuska ee faraha ba’an ku haya dalkan Afrika ku yaalla, sidee ayuuna u faafaa?

    Waa maxay cudurka busbuska ee faraha ba’an ku haya dalkan Afrika ku yaalla, sidee ayuuna u faafaa?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 29, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Nooc cusub oo fayraska busbuska ayaa si degdeg ah ugu faafaya Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, khubarrada ayaana sheegay inuu yahay nooca ugu khatarsan ee ay arkeen.

    Busbuska oo loo yaqaanno Mpox, horena loogu aqoon jiray monkeypox, waa xanuun ka jira qeybo ka mid ah galbeedka iyo bartamaha Afrika kiisaska ayaana ku sii badanayay qaaradda muddo tobnaan sano ah.

    Sanadkii 2022, xanuunkan oo ka dillaacay dunida ayaa asiibay Yurub, Australia, Mareykanka iyo dalal kale oo bada.

    Heerkee ayuu xanuunkan ka gaarsiisan yahay dunida?

    Xanuunkan busbuska waxaa sababa fayraska monkeypox, oo ka mid ah isla noocyada cudurkan, inkastoo uu ka dhib yar yahay.

    Fayraska ayaa asal ahaan ka yimid xayawaannada oo bani’aadamka u gudbiyay, wuxuuna ku badan yahay dalalka u dhow keymaha.

    Gobolladan, waxaa jira kumannaan kiis iyo boqollaal dhimasho oo cudurkan ah oo sanad walba la arko – iyadoo carruurta ay da’dooda ka hooseyso 15 aad uu u asiibo.

    Waxaa jira labo nooc oo ugu badan cudurkan inta la og yahay. Kan ugu dhib yar ayaa dunida ka dillaacay sanadkii 2022 kaasoo ku faafay ku dhowaad 100 dal oo aan caadi ahaan hore u arki jirin fayraska.

    Kan labaad, oo dhimashada ugu badan sababa ayaa ka jira bartamaha Afrika – wuxuuna sababay nooca cusub ee dhowaan lagu arkay DR Congo.

    Labada nooc ayaa khatartooda iyo dhimashada ay sababi karaan ay kala duwan tahay.

    Waa maxay calaamadihiisa?

    Busbuska

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Calaamadaha ugu horreeya waxaa ka mid ah qandho, madax xanuun, barar, dhabar xanuun iyo murqo xanuun.

    Marka ay qofka qandhadu ka jabto, waxaa kasoo yaaca nabro, oo aalaaba ka billowda wejiga kadibna ku faafa qeybaha kale ee jirka, inta badanna calaacalaha gacmaha iyo cagaha.

    Nabraha, oo noqon kara kuwo xanuun iyo cuncun badan, ayaa is beddela iyagoona mara marxalado kala duwan kahor inta aysan qolof yeelan taasoo kadibna iskeed u dhacda. Taasi waxay sababi kartaa haaro muuqda.

    Caabuqa ayaa caadi ahaa iskiis u taga wuxuuna qofka heyn karaa 14 iyo 21 maalmood.

    Kiisas khatar ah ayaa la arki karaa kuwaasoo cudurku uu asiibo dhammaan jirka, gaar ahaan afka, indhaha iyo xubinta taranka.

    Sidee ayuu u faafaa?

    Busbuska ayaa la kala qaadi karaa marka qof qaba uu xiriir dhow idin dhex maro – waxaana ka mid ah galmo, xiriir jir ahaaneed iyo hadalka iyo neefsashada oo qofka aad loogu dhowaado.

    Fayraska ayaa jirka kasoo geli kara meel dhaawac ah, neef-mareenka amaba indhaha, sanka ama afka.

    Wuxuu sidoo kale ku faafi karaa taabashada walxaha laga yaabo inay sidaan fayraska, sida sariirta, dharka iyo tuwaallada.

    Inaad taabato xayawaan cudurku hayo, sida daanyeerka, doolliga iyo dabagaallaha, waa hab kale oo lagu qaadi karo.

    Markii uu dunida ka dillaacay 2022, fayraska ayaa inta badan ku faafay oo lagu kala qaaday galmada.

    Kan haatan ka dillaacay DR Congo waxaa sidoo kale sababay xiriir galmo, balse waxaa sidoo kale lagu arkay qowmiyadaha kale.

    Yaa khatarta ugu badan ugu jira?

    Busbuska

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Inta badan kiisaska ayaa laga helay dadka qaangaarka ah iyo ragga isu galmooda. Dadka leh dhowr lammaane ayaa khatarta ugu badan ku jiri kara.

    Balse qof walba oo xiriir dhow la sameeya qofka leh calaamadaha cudurka ayaa qaadi kara fayraska, waxaana ka mid ah shaqaalaha caafimaadka iyo xubnaha qoyska.

    Waxaa lagu talinayaa in laga fogaado xiriirka dhow ee qof walba oo qaba xanuunkan iyo in gacmaha lagu nadiifiyo saabbuun iyo biyo haddii fayrasku ku faafo bulshadaada.

    Kuwa qaba xanuunkan waa inay is karantiilaan ilaa ay ka baaba’ayaan nabaraha cudurka.

    Sidee ayaa loo daweyn karaa?

    Dillaacitaanka cudurkan busbuska ayaa lagu xakameyn karaa ka hortagga faafitaanka – sida ugu fiican waa in la adeegsado tallaal.

    Waxaa jira saddex tallaal balse keliya dadka khatarta ugu jira amaba xiriir dhow la sameeyay kuwa qaba ayaa caadi ahaan awooda inay helaan.

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO haatan kuma talineyso in la tallaalo dhammaan bulshada.

    Isku dayo tallaal oo dheeraad ah oo ka dhan ah nooca cusub ee busbuska ayaa loo baahan yahay si loo fahmo heerka ka hortag ee ay leeyihiin.

    ISHA BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.