Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

      September 16, 2025

      DG Waqooyi Bari oo si adag ugu hadashay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar iyo Fariin ay u direen DFS

      September 16, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

      September 16, 2025

      Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

      September 16, 2025

      Duqeymo iyo madaafiic ku socda Qasa

      September 16, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

      September 16, 2025

      MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

      September 16, 2025

      Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

      September 16, 2025

      Duqeymo iyo madaafiic ku socda Qasa

      September 16, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa maxay biyaha Samsamka, maxayse muhiim u yihiin?

    Waa maxay biyaha Samsamka, maxayse muhiim u yihiin?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 14, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ceelka Zamzam ayaa ku dhex yaalla Masjidka Xaramka ee Makah, Sacuudi Carabiya. Waa masjidka ugu weyn ee dunida ku yaalla waxaana ku hareereysan meesha ugu barakeysan Islaamka, Kacbada. Biyaha ka yimaada ceelka ayay malaayiin Muslimiin ah oo dunida ku sugan u arkaan inay barakeysan yihiin waxayna aaminsan yihiin inay leeyihiin awood wax daaweyn ah.

    Booqashadiisa waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah Xajka ku dhowaad dhammaan Muslimiinta ayaana gurigooda kula laabta biyaha ceelkan. Biyaha ayaa aalaaba waxaa loo qeybiyaa xubnaha qoyska iyo saaxiibbada, iyadoo la rumeysan yahay inay wax ka taraan khatarta, cudurka, iyo isha. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in biyahan qudhooda ay mucjiso yihiin, sababo la xiriira inaysan marnaba dhammaan.

    Ilaa labo milyan oo qof ayaa la filaa inay sanad walba yimaadaan Maka iyagoo Xajka gudanaya kana kala yimid daafaha dunida. Si kastaba, waxaa lagu qiyaasaa in tirada dadka ka qeybgalaya Xajka ay aad u badan yihiin, iyadoo dhammaan dadka booqanaya aan la diwaangelin dad badanna ay yihiin kuwa gudaha dalkaas ku nool qaarna ay kusoo safraan badda amaba dhulka iyagoo ka imaanaya dalalka deriska.

    Maxay biyaha Samsamka muhiim ugu yihiin Muslimiinta?

    Biyahan ayaa muhiim u ah Muslimiinta sababtoo ah waxay si qoto dheer ula xiriiraan dhacdooyin taariikhi iyo diini ah. Sheekha Islaamka Imam Bukhari Abdullah Ibn Abbas ayaa isku soo ururiyay ilaa lix qeyb oo xadiith oo loo yaqaanno Saxiix al-Bukhari sanadkii 860. Xadiithku waa kan soo labeeya Qur’aanka oo ah isha ugu weyn ee hagidda diinta.

    Waxaa la rumeysan yahay in Xadiithku yahay dhaqamadii Nabi Muxamad NNKH, waxyaabihii uu dadka baray intii uu noolaa, sida ay ka soo weriyeen dadkii aadka ugu dhowaa. Sida Islaamku qabo, xadiithku waa wixii uu Nabigu dadka baray iyo dhaqamadiisii intaba.

    Ceelka Zamzamka ayuu Ilaah sameeyay kumannaan sano kahor si uu uga jawaabo ducada Haajira, xaaskii Nebi Ibraahim mar uu iyada iyo wiilkeeda uu keligood uga tegay saxaraha iyagoo aan heysan cunno iyo biyo. Arrintan ayaa lagu sheegay Suuratu Ibrahim ee Qur’aanka.

    Saxiixul Bukhaari waxaa ku xusan sheekada Haajara, sida iyadoo biyo aad ugu baahan, ay toddoba jeer ku dhex orodday buuraha Safa iyo Marwa ilaa makrii dambe uu Ilaah u sahlay ceelka biyaha Samsamka.

    Iyadoo ka baqeysa in qulqulka biyaha ay sababaan inay dhammaadaan, ayaa Haajara la sheegay inay tiri ‘zam zam’ (oo Carabi la micno ah jooji) dhowr jeer, sidaas ayaana ceelka loogu bixiyay magaciisa.

    Sidee ayay ula xiriiraan Xajka?

    Xiriirka taariikheed ee u dhaxeeya biyaha Samsamka iyo Xajka ayaa ah mid xooggan. Muslimiinta, Xajka wuxuu u yahay tiirka shanaad iyo kan ugu dambeeya Islaamka. Waxaa waajibaadka Xajka la gutaa bisha Dul-Xaj, oo ah bisha 12-aad ee taariikhda Islaamka.

    Sanadkan waxay bisha bilaabatay toddobadka labaad ee June waxayna dhammaan doontaa dhammaadka July. Qof walboo Muslim ah oo qaangaar ah isla markaana jir ahaan iyo dhaqaale ahaan iyo maskax ahanaba awooda, ayaa laga doonayaa inuu guto uuna inta uu nool yahay sanadkii mar tago meel walba uu dunida kaga nool yahayba.

    Cumradu waa booqasho gaaban, wayna ka acmaal yar tahay Xajka waxaana ka gudan karaa xilli walba oo sanadka ka mid ah.

    Iyadoo cabidda biyaha Zamzamka aysan qasab ku ahayn gudashada Xajka, waxaa loo arkaa inay tahay Sunno. Xujeyda ayaa biyahan caba kadib marka ay ku wareegtaay Kacbada kahor inta aysan ku lugeyn inta u dhaxeysa buuraha Safa iyo Marwa toddoba jeer.

    Sidee ayay biyaha Samsamka u gaaraan dalalka kale?

    Biyaha Samsamka ayaa waxaa soo qaata Xujeyda booqanaya Makah.

    Iyadoo dadka booqanaya loo oggol yahay laguna dhiirrigeliyo inay biyaha Samsamka u qaataan guriga, inay u qaataan si ay uga ganacsadaan ayay dowladda Sacuudigu mamnuucday.

    Iyadoo ay tan jirto, ayaa haddana la sheegay in gudaha UK si sharcidarro ah looga ganacsado biyaha Samsamka. baaritaan ay BBC sameysay ayaa lagu ogaaday in tiro badan oo caagag ah oo lagu sheegay biyaha Samsamka lagu iibiyo dukaamada.

    Dowladda Sacuudiga ayaa aad u ilaalisa tayada biyaha ceelka, waxayna sameysaa howlgallo wax looga qabanayo in laga ganacsado biyaha.

    ISHA: BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.