Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee Afcon ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay dalka Ivory Coast gaar ahaan garoonka Alassane Ouattara Stadium ee xarunta dalkaasi kaaas oo soco doonaa ilaa 11 Febraayo.
Xulalka Qaramada waxaa u safan doona ciyaaryahanno ka ciyaarada qaaradaha kala duwan ee dunida haba ugu bataan kuwa ka ciyaarada horyaallada Yurub, balse Sacuudiga ayaa hadda ah midka kuwa indhaha lagu hayo saamayntiisa koobkan.
Saamaynta Sucuudiga ee kubadda cagta ayaa sii kordheysa, iyada oo ay xiddigaha ku soo jiitaan qiimaha sare mushaaraadka oo ay maalqabeennadu u soo bandhigaan, sidoo kale Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa la filayaa in ay saamayn ku yeelato Koobka Qaramada Afrika ee 2023-ka.
Waxaa jiri doono ilaa 25 ciyaaryahan oo ka ciyaarada horyaalka Sacuudiga ee Saudi Pro League kuwaas oo ka ciyaaraya tartanka ka socda dalka Ivory Coast. Xiddigahas ayaa Sacuudiga u doontay wax loogu yeeray faa’iido dhaqaale.
Kabtanka kooxda Senegal Kalidou Koulibaly iyo ciyaaryahanka labada jeer ku guulaystay kan ugu wanaagsan Qaaradda Afrika Sadio Mane ayaa labaduba ah ciyaartoy muhiim u ah dalka difaacanaya koobkan ee Senegal.
Tiradaas ayaa in ka badan labanlaabantay tan iyo 2021-kii , in kasta oo khubarrada qaar ay sheegeen in horumarinta Pro League ay tahay mid hoos uga dhacday heerka Yurub.
Weeraryahanka Zambia Fashion Sakala ayaa sheegay in ciyaartiisu ay horumartay tan iyo markii uu Bariga Dhexe uga soo wareegay kooxda Rangers ee Scotland.
“Dadku waxay filayaan in heerkaygu hoos u dhacay, ama heerarka ciyaartoyda Afrikaanka ah ay hoos u dhaceen,” 26-jirka ayaa u sheegay BBC Sport Africa.
“Aniga sidaas oo kale iguma ahan, waxaan filayaa in qaab ciyaareedkaygu uu sii fiicnaan doono”.
Xiddiggii hore ee xulka qaranka Cameroon Sebastien Bassong ayaa aaminsan in ciyaartoyda fadhigoodu yahay Sucuudiga ay maskax ahaan diyaar u noqon doonaan si ay ugu tartamaan dalalkooda galbeedka Afrika.
Wuxuu intaas ku daray in xiddigaha ka ciyaarada Aasiya ay xitaa ugu faa’iido badan tahay kuwa ka ciyaarada Yurub sababta oo uu ku sheegay la qabsiga xaaladaha Ivory Coast.
“Waxay ku ciyaarayaan heerkul ka duwan,” Bassong ayaa u sheegay BBC’s Football Daily podcast.
“Waxaan qabaa inay faa’iido u noqon doonto iyaga, sababtoo ah maaha inay la qabsadaan qabowga iyo kulaylka Ivory Coast.”
Sakala ayaa sheegay inay hubaal tahay in uu farqi weyn ka helay waqtigii uu la joogay Al-Fayha ka dib markii uu soo maray Russia, Belgium iyo Scotland.
Eedeymaha ‘musuqa ciyaaraha’
Iyadoo ay jiraan kooxo badan oo ka tirsan horyaalka Sacuudiga oo ay maalgaliyeen sanduuqa maalgalinta dalka waxaa Pro league ku biiray xiddigga Portugal Cristiano Ronaldo, weeraryahanka Brazil Neymar iyo weeraryahanka France Karim Benzema kuwaas oo dhammaantood hadda ka ciyaara Sacuudiga.
Boqortooyada ayaa la kulantay dhaleecayn ku saabsan kharashaadka ay ku bixiso kubadda cagta, taasoo keentay sheegashada ‘ciyaaraha’ si kor loogu qaado sumcadda waddanka soo saara saliidda ee heerka xuquuqul insaanka iyo saamaynta deegaanka aysan wanaagsaneyn.
Horyaalka dalkaas ayaa la xoojiyay ka dib markii Sacuudi Carabiya la siiyay xuquuqda martigelinta Koobka Adduunka ee 2034 ee FIFA.
Haddana Sakala waxa uu dareensan yahay in dhaleecayntu ay tahay caddaalad darro, xaaladaha qaarkoodna, munaafaqnimo marka la eego mushaharka laga bixiyo Premier League ee England.
“Haddii Sacuudiga lagu dhaleeceeyo inay iibsanayaan kubbadda cagta, ha sameeyaan,” ayuu ku dooday weeraryahanka.
“Haddii aad ka hadasho Premier League, waxaa loo arkaa inuu yahay horyaalka ugu fiican sababtoo ah lacag, waa horyaalka ugu mushaarka badan Yurub.”
Ka dib markii la sugay xaquuqda marti gelinta Koobka Adduunka sanadka 2034 ee Sacuudiga ayaa dhanka kale inta badan iskaashi la galay kubadda cagta ee dalalka Afrika.
Sacuudiga ayaa ah maalgaliyaha ugu weyn ee ururka kubadda cagta ee Afrika ee furmay, Gambia ayuu maalgaliyey xeradooda tababarka ka hor furitaanka koobka AFCOM.
Sidoo kale xiriirrada kubadda cagta ee Rwanda iyo Tansaaniya waxay boqortooyadu la gashay saxiixyo iskaashi ah.
Horyaalka Prp league ayaa samaynaya rabitaan iyo soo jiidasho xiddigo badan oo kubadda cagta oo uu ka mid yahay xiddigga Liverpool iyo Masar Maxamed Saalax ka dib warar sheegaya inuu ka tagi doono kooxdiisa dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Weeraryahanka Napoli iyo Nigeria Victor Osimhen ayaa sheegay inuu diiday inuu u dhaqaaqo Saudi Arabia
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jordan Henderson ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ku laabto Yurub bilo uun ka dib markii uu lacag badan kaga soo dhaqaaqay Liverpool kuna biiray Al-Ettifaq.
Horyaal soo koraya ee Pro League wuxuu sidoo kale wajahayaa caqabadahiisa, oo ay ku jiraan xaadirista ee taageerayaasha.
“Markaad ka hadasho imaatinka taageerayaasha, waxaan u maleynayaa inay taasi tahay dhibaatada kaliya ee aan haysano,” Sakala ayaa sidaas yiri
“Xiriirka Sacuudiga waxa uu wadaa dadaal, wax badan ayay ku bedeleen muddo yar gudaheed, mana filaysid in dadku ay hadda uun soo galaan garoonka.
“Waxaan qabaa inay u baahan tahay waqti.” Ayuu intaas ku daray ciyaarhanka Zambia ee Fashion Sakala oo afka hore e weerarka ka ciyaara.
Kalsoonida iyo faa’iidooyinka diinta
Ciyaaryahan Sakala ayaa soo afjaray joogitaankiisa kooxda Rangers isagoo ku jiray bartamaha qandaraaskiisa afarta sano ahaa ka dib markii uu ka tagay kooxda tababare Steven Gerrard – oo hadda maamula Al-Ettifaq.
Si kastaba ha ahaatee, xiddigga Zambia ayaa dareemaya inuu dib u helay kalsoonidii uu ku qabay Al Fatya isagoo ku socda Afcon-kiisii ugu horreeyay isagoo wata rasaasta Copper.
“Markii uu Steven Gerrard baxay, xirfadeyda waa ay hoos u dhacday, mana aanan ku raaxaysan gabi ahaanba sababtoo ah maan ciyaarin,” Sakala ayaa sidaas yiri.
“Kadibna waxaa yimid macallinkii kale, ma aanan ahayn kan uu jecel yahay, laakiin markaan fiiriyo xaalada halkaan ee horyaalka Sacuudiga, anigoo ciyaaraya kulan walba, waxaa la igu kalsoonahay inaan wax u soo kordhin doono kooxda. Tani waa kalsoonidii aan ka maqnaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxayna iga caawisay inaan sii shaqeeyo si adag.”
Kabtanka Morocco, Romain Saiss, oo hadda ka tirsan kooxda kubada cagata ee Al-Shabab ee Sacuudiga ayaa sidoo kale ku jira liiska ciyaartoyda Sucuudiga ah ee ku wajahan Ivory Coast.
Daafacii hore ee Wolverhampton Wanderers ayaa ku doodaya in Pro League ay ka caawisay inuu fiicnaado marka loo eego qulqulka ciyaartoy magac weyn leh.
“Inta badan ciyaartoyda Sacuudi Carabiya waxay ka yimaadeen Yurub hadda, waa kuwo weerar iyo difaac badan,” Saiss ayaa u sheegay BBC Sport Africa.
“Aniga ahaan, way ii fiican tahay sababtoo ah waxay iga caawisay inaan sidoo kale sii ahaado tartan fiican sababtoo ah waxaan ka hortagi karaa ciyaartoyda ugu sareysa sida Benzema, sida Ronaldo.”
Saiss ayaa qirtay inuu doorbidi lahaa inuu sii joogo Yurub marka uu ka tago kooxda Turkiga ee Besiktas.
“Waxaan ku dhawaaday inaan u saxiixo Marseille, laakiin nasiib daro ma aysan dhicin xaaladdu dhamaadka,” 33-jirka daafaca dhexe ayaa sharaxay. Waxay ahayd in aan xal kale raadino, ka dibna waxaan helnay fursad aan ku nimid halkan (Al-Shabaab).” Ayuu yiri Saiss.
“Muslim ahaan waa ay wanaagsan tahay in aan ku noolaado dalka, sidoo kale waa u fiican qoyskayga dabcan, qandaraasku waa wanaagsan yahay.”