Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa kuwee shaqsiyaadka iyo Shirkadaha Soomaalidaa ee uu Maraykanku ku soo rogay cunaqabataynta?

    Waa kuwee shaqsiyaadka iyo Shirkadaha Soomaalidaa ee uu Maraykanku ku soo rogay cunaqabataynta?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 11, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waaxda hantida dibadda ee wasaarada lacagta Maraykanka ayaa soo saartay liis ay ku jiraan shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu soo rogay xayiraad loona jeediyey inay dhaqaale u ururiyaan kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.

    Shaqsiyaadka iyo shirkadaha la xayiray ayaa xarumahoodu ku yaalaan geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo jasiirada Qubrus. Shabakadan waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inay dhaqaale ku taageereen ururka Al-shabaab.

    Warka ka soo baxay Maraykanka waxaa lagu sheegay in dadka ku jira shabakadani ay ka mid yihiin ganacsato saamayn leh oo ku sugan gobolka, kuwaasi oo taageero maaliyadeed siiya Al-Shabaab oo xirir la leh Alqaacida kana masuul ahaa sida xogtu sheegtay weeraro dad badan oo rayid ah ku dhinteen oo ka dhacay bariga Afrika.

    “Maraykanka waxaa ka go’an in uu la shaqeeyo saaxiibada gobolka si loo ciribtiro shabakadaha maalgelinta argagixisada iyo hay’adaha ay ku takri falaan si ay u ururiyaan oo ay u dhaqaajiyaan dhaqaalaha,” ayuu yiri ku xigeenka Xoghayaha Maaliyadda ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson.

    Tallaabadan ayey Maraykanku ku sheegeen inay u qaadeen si ay ugu gacan siiyaan dowladda Soomaaliya oo wada sida ay xuseen dagaal dhanka curyaaminta maaliyadeed ee Kooxda Alshabaab sida warsaaxafeedka wasaarada lacagta Maraykanku sheegeen.

    “Tallaabada waxay qayb ka tahay dadaallo dhinacyo badan leh oo ay waddo Hanti-dhowrku si ay u taageerto dhaqaale ee dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah al-Shabaab-mid ka mid ah saddexda tiir ee ololahooda lagu dhimayo kooxdan ah ee dilaaga ah.”

    Waxay intaa ku dareen Maraykanku in Al-shabaab sanadkii ay aruursadaan lacag dhan 100 milyan oo dollar iyagoo lacagahaas ka qaada gaancstada iyo dadka deegaanda ay maamulaaan, sidoo kale haya’adda lacagta Maraykanku waxay sheegay in lagacahaas Al-shabaab ay helaan inay u gudbaan kooxaha Alqaacida ay ka mid yihiin.

    “Tallaabadani waxay sii waddaa dadaallada Maaliyadda ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo ku-takri-falka al-Shabaab ee nidaamka maaliyadeed ee gobolka waxayna dhiseysaa magacaabista OFAC ee Oktoobar 2022 ee isku-xidhka fududeeyayaasha maaliyadda ee al-Shabaab kuwaas oo u adeegi jiray furaha xiriirinta al-Shabaab iyo ganacsiyada maxalliga ah ee Soomaaliya” ayuu lagu yiri war-saxaafadeedka Maraykanka.

    Shaqsiyaadka iyo shirkadaha la xayiray

    MARAYKANKA IYO ALSHABAAB

    XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

    Maraykanku waxay sheegeen in shaqsiyaadka iyo shirkadaha lagu magacaabay warbixinta ay soo saareen ay ka qayb qaateen dhiqidda lacagta dollarka oo la mariyey ganacsiyo dhowr ah.

    Shirkadaha lagu xusay waxaa ka mid ah Haleel Commoditeis LLC oo fadhigeedu yahay Dubai sidoo kalana loo yaqaano Haleel Group, waaxay sheegeen inay fududayn dhaqaale u samaysay Al-shabaab

    Shirkadan ayaa laamo ku leh Kenya,Uganda, Qubrus iyo qaybteeda Elaktarooniga ee Soomaaiya ayaa ayaa lagu yiri warbiixnta wasaarada Lacagta Maraykanku

    Shirkada Qemat Al Najax General Tradinga oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka ayaa kuwa lagu sheegay warbixinta, taas oo Maraykanku ku eedeeyey inay gacan ka gaysatay maareynta iyo u wareejinta lacagaha al-Shabaab ee xiriirka la leh Kooxda Haleel.

    Faysal Yuusuf Diini (Diini) oo fadhigiisu yahay Kenya waa fududeeyaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab kaas oo kooxda Haleel iyo qaar ka mid ah hoggaankeeda ka caawiya in ay lacagaha u xawilaan Al-Shabaab ayaa lagu yiri War-safaaxadeedka Maraykanka.

    Sidaas oo kale Maxamed Jumcaale Cali ‘Cawaale’ oo fadhiisu yahay Kenya ayey Maraykanku sheeegeen in ay isla qorsheeyeen mashaariic maalgashi iyo dhaqdhaqaaqyo lacag-dhaqidda ah.

    “Tan waxaa ku jira in la maareeyo lacagaha al-Shabaab ee lagu dhaqo mashaariicda maalgashiga iyo shirkadaha, oo ay ku jiraan Adeegga Crown Bus Services ee fadhigiisu yahay Kenya. Adeegga Bus-ka Crown ayaa sidoo kale taageeray hawlgallada saadka ee al-Shabaab” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Maraykanka.

    Dadka lagu xusay warbixinta waxaa ka mid ah, Xasan Cabdirixmaan Maxamed oo ah Soomaali degan dalka Finland kaas oo wasaarada lacagta Maraykanku sheegtay in uu kooxda ka taageeeray lacag dhiqida iyo xawaaladaha, ninkan ayey sheegeen inuu ku xirnaa shirkadaha Haleel Group iyo Qemat Al Najax General Trading.

    Shaqsiyaadka kale ee Maraykanku ku eedeeyey lacag dhaqida waxaa ka mid ah Maxamed Cartan Robel oo fadhigiisu Imaaraadka, Cabdikariin Faarax Maxamed oo fadhigiisu yahay Soomaaliya, Farxaan Xuseen Xaydar oo ah maamula xarumaha Haleel Group ee Kenya, Uganda, Qubrus, iyo Imaaraadka, Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi oo agaasime ka ah Kooxda Haleel Groups ee Uganda oo uu weheliyo Cumar Sheekh Cali.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.