Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

    May 10, 2025

    Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho

    May 10, 2025

    Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

    May 10, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho

      May 10, 2025

      DEG DEG Suudaan oo Soomaaliya u gudbisay cabasho ah ka dhan ah Puntland.

      May 10, 2025

      Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

      May 10, 2025

      DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      DEG DEG Pakistan oo ridday diyaarado Hindiya leedahay iyadoo adeegsatay gantaal casri ah oo

      May 10, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabelle Dr-Cabdixakiim Luqmaan ayaa Magacaabay

      May 10, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa kuwee madaxda ugu muhiimsan ee Kooxda Xamaas

    Waa kuwee madaxda ugu muhiimsan ee Kooxda Xamaas

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 31, 20247 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay magaalada Tehran.

    Xamaas ayaa weerarkaas ku eedaysay Israa’iil, inkastoo Israa’iil aysan weli si rasmi ah uga jawaabin. Israa’iil ayaa horay wacad ugu martay inay baabi’in doonto hoggaanka Xamaas.

    Qaar badan oo ka mid ah ragga ugu darajada sarreeya ee ka tirsan kooxdan Falastiiniyiinta ah ee gacanta ku haysa Qasa, hadda iyo horeba, ayaan warbixintan gaarka ah ku eegaynaa.

    Saraakiishan ayaa qaarna la dilay qaana ay ka badbaadeen iskuday dil oo kaga imanayey Israel.

    Ismail Haniyeh

    Haniyeh

    Xigashada Sawirka,Reuters

    Ismail Haniyeh waxaa loo yaqaannay hoggaamiyaha guud ee Xamaas ilaa iyo maanta oo ay kooxdu xaqiijisay dilkiisa oo ka dhacay Iiraan.

    Wuxuu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa dabayaaqadii 1980s, Isra’iilayaa xabsi dhigtay Haniyeh muddo saddex sano ah sanadkii 1989 xilli ay ugaarsaneysay dadkii ka dambeeyay kacdoonkii ugu horreeyay ee Falastiiniyiinta.

    Kadib waxaa sanadkii 1992 loo diray jasiirad cidlo ah oo u dhaxeysa Israel iyo Lubnaan oo uu dibad-joog ku ahaa, waxaana la socday tiro hogaamiyeyaasha Xamaas ka mid ah.

    Sanad kadib markii uu dibad-joog ahaa, wuxuu ku laabtay Gaza. Sanadkii 1997 waxaa loo magacaabay madaxa xafiiska hoggaamiyaha ruuxiga ee Xamaas, taasoo xoojisay awooddiisa.

    Madaxweynihii Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa Haniyeh u magacaabay raysal wasaare sanadkii 2006 kadib markii Xamaas ay ku guuleysatay inta badan kuraasta doorashooyinkii qaranka, balse sanad kadib ayaa shaqada laga cayriyay oo kooxdu ay xisbigii Cabaas ee Fatax ay ka saareen Marinka Gaza xilli ay toddobaad socdeen rabshado uu dhiig ku daatay.

    Haniyeh ayaa diiday xil ka qaadistiisa oo uu ku tilmaamay “mid aan dastuurka waafaqsaneyn”, isagoo sheegay in dowladdiisa “aysan gabi doonin mas’uuliyadaheeda qaran ee ka saaran dadka Falastiin”, wuxuuna kasii mid ahaa maamulka Gaza.

    Waxaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadeed ee Xamaas sanadkii 2017.

    Sanadkii 2018, Waaxda Arrimaha Gudaha Mareykanka ayaa Haniyeh u aqoonsatay argagixiso. Wuxuu ku noolaa Qadar dhowrkii sano ee ugu dambeeyay.

    Yahya Sinwar

    Sinwar

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Marinka Gaza, Yahya Sinwar, wuxuu dhashay 1962.

    Waa aasaasaha waaxda ammaanka ee Xamaas ee loo yaqaanno Majd, taasoo maamusha arrimaha ammaanka gudaha, baarta kuwa looga shakiyo oinay la shaqeeyaan Israa’iil, isla markaana daba-gasha sirdoonka Israa’iil iyo saraakiisha ammaanka.

    Sinwar waxaa la xiray saddex jeer. Kaddib xiriddiisii saddexaad sanadkii 1988 waxaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah.

    Wuxuu ka mid ahaa 1,027 maxaabiis Falastiiniyiin iyo Carab Israa’iiliyiin isugu jirtay oo ay Israa’iil ku sii deysay maxaabiis is dhaafsi ay ku beddelatay sarkaal Israa’iili ah oo Xamaas ay heysteen muddo shan sano ah.

    Sinwar ayaa dib ugu laabtay xilkiisii hoggaamiye weyn oo Xamaas ka tirsan, waxaana loo magacaabay madaxa xafiiska siyaasadeed ee kooxda ee Marinka Gaza sanadkii 2017.

    Sanadkii 2015, Mareykanka ayaa Sinwar ku daray liiska madow ee “argagixisada caalamiga ah”.

    Mohammed Deif

    Maxamed

    Xigashada Sawirka,Media Source

    Mohammed Deif wuxuu hoggaamiyaa Izz al-Din al-Qassam, oo ah garabka militari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

    Waa nin aa inta badan la arag oo Falastiiniyiintu u yaqaannaan ninka caqliga badan, halka Israa’iiliyiintu u yaqaannaan Bisadda leh Sagaal Nafood.

    Dowladda Israa’iil ayaa xabsiga dhigtay sanadkii 1989, kadib markii uu aasaasay al-Qassam iyadoo ujeeddadu ahayd in lagu soo qabto saraakiisha Israa’iil.

    Kadib sii deyntiisii, wuxuu gacan ka geystay dhismaha godadka dhulka hoostiisa ee dagaal-yahannada Xamaas u oggolaaday inay gudaha Israa’iil ka galaan Gaza.

    Deif wuxuu ka mid yahay ragga loogu doon doonista badan yahay Israa’iil, iyagoo ku eedeeyay qorsheynta iyo kor-joogteynta bambadii lala eegtay bas sanadkii 1996, ayna ku dhinteen tobnaan Israa’iiliyiin ah, iyo ku lug lahaanshiyada qabashadii iyo dilkii saddex ka mid ahaa saraakiisha Israa’iil bartamihii 1990-meeyadii.

    Israa’iil ayaa xabsiga dhigtay sanadkii 2000, balse wuu ka baxsaday billowgii kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta.

    Wixii intaa ka dambeeyay, aad uma soo muuqan. Waxaa laga hayaa uun saddex sawir: mid taariikheysan, mid uu mask xiran yahay, kan saddexaadna waa mid dahsoon.

    Isku daygii dil ee ugu darnaa wuxuu dhacay sanadkii 2002: Deif ayaa badbaaday balse wuxuu waayay mid ka mid ah indhihiisa. Israa’iil ayaa sheegtay inay sidoo kale ay go’een cagta iyo gacanta, iyo in sidoo kale hadalku ku adag yahay.

    Ciidamada ammaanka Israa’iil ayaa mar kale ku guul-darreystay dilka Deif mar ay howlgal ka sameynayeen Marinka Gaza sanadkii 2014, balse waxay dileen xaaskiisa iyo labo carrurtiisa ka mid ah.

    • Waa kuma hoggaamiyaha sare ee Xisbullah ee ay Israa’iil sheegtay in ay ku dishay Lubnaan?7 Saacadood ka hor
    • Maxay Xamaas iyo Iran ilaa iyo hadda ka og yihiin qaabka loo dilay Ismaaciil Haniya?9 Saacadood ka hor
    • https://www.bbc.com/somali/articles/cd1r7k150dro

    Marwan Issa

    Marwan

    Xigashada Sawirka,Media Source

    Xamaas ma aysan xaqiijin in Marwan Issa, ku xigeenkii taliyaha guud ee guutada Izz al-Din al-Qassam, lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fulisay Israa’iil bishii Maarso 2024, sida ay sheegay Aqalka Cad.

    La taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in ay dileen ciidamada IDF-ta, ka dib markii ay soo baxeen warar ay baahiyeen warbaahinta Israel oo sheegayay in uu ku dhintay weerar ka dhacay dhismo god dhulka hoostiisa ah oo hoos mara xerada qaxootiga ee Nuseirat.

    Taliyahan sare ayaa sida oo kale loo yaqaanay Ninkii Qarsoonaa, waxaana loo arkaa in uu yahay gacanta midig ee Mohammed Deif.

    Ka hor inta aan la soo sheegin dhimashadiisa, waxa uu ku jiray liiska dadka ay Israa’iil raadinayso, waxaana la dhaawacay markii Israa’iil ay isku dayday in ay disho sannadkii 2006-dii.

    Ciidamada Israa’iil ayaa xabsiga u taxaabay intii lagu jiray intifaadadii ugu horeysay muddo shan sano ah, sababtoo ah dhaqdhaqaaqiisa Xamaas.

    Maamulka Falastiin ayaa xidhay 1997-dii, laakiin waa la sii daayay ka dib kacaankii labaad ee 2000.

    Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa sidoo kale laba jeer burburiyay gurigiisa intii ay ku guda jireen duullaanka ay ku qaadeen Qaza sannadihii 2014 iyo 2021, halkaas oo uu ku dileen walaalkiis.

    Lama aqoon sida uu u ekaa ilaa sanadkii 2011, markaas oo uu ka soo muuqday sawir kooxeed laga qaaday xilli lagu guda jiray soo dhaweynta maxaabiista la is weydaarsaday.

    Waxaa loo maleynayaa inuu door weyn ka qaatay qorsheynta weerarradii kooxdu ku qaadday Israel, oo ay ku jiraan kuwii ugu dambeeyay.

    Khaled Meshaal

    Khaled

    Xigashada Sawirka,AFP

    Khaled Meshaal, oo ku dhashay Daanta Galbeed 1956, ayaa loo arkaa mid ka mid ah aasaasayaashii Xamaas.

    Iyadoo la raacayo awaamiir toos ah oo ka timid Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, Sirdoonka Israel ee Mossad ayaa isku dayay inay dilaan Meshaal 1997-dii isaga xilligaas ku nool Jordan.

    Wakiillada Mossad ayaa dalka Urdun ku galay baasabooro Canadian ah oo been abuur ah waxaana Meshaal lagu duray walxo sun ah xili uu meelo waddo ah marayay.

    Maamulka Urdun ayaa ogaaday isku dayga dil, waxayna xidheen labadii qof ee ka tirsnaa Mossad.

    Boqorkii Jordan ee geeriyooday Xuseen ayaa ra’iisul wasaaraha Israa’iil ka codsaday dawada walaxda Meshaal lagu duray. Isagoo cadaadis kala kulmaya madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Bill Clinton, Mr Netanyahu ayaa bixiyay daawada suntaas ka dib markii uu hore u diiday codsigaas, balse dib ka oggolaaday.

    Meshaal oo ku nool dalka Qatar ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2012 booqasho ku tagay Marinka Gaza, waxaana halkaasi ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan Falastiin iyo dadweyne fara badan oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay.

    Xamaas ayaa Ismail Haniyeh u dooratay inuu xilka kala wareego Meshaal oo ah madaxa xafiiskeeda siyaasada sanadkii 2017, wuxuuna Meshaal madax ka noqday xafiiska siyaasada kooxda ee dibadda.

    Mahmoud Zahar

    Zahar

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Mahmoud Zahar waxa uu ku dhashay Gaza sanadkii 1945-tii, waxaana dhalay Aabe Falastiini ah iyo Hooyo Masaari ah. Waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu caansan Xamaas, waana xubin ka tirsan hoggaanka siyaasadda ee dhaqdhaqaaqaas.

    Waxa uu aaday iskuul ku yaal Gaza iyo jaamacad ku taal Qaahira, ka dibna waxa uu ka soo shaqeeyay mihnad dhakhtarnimo Gaza iyo Khan Younis ilaa mas’uuliyiinta Israa’iil ay ka ceydhiyeen shaqadaas, sababo la xidhiidha mowqifkiisa siyaasadeed.

    Mahmoud Zahar ayaa lagu xidhay xabsiyada Israel 1988-dii, bilo kadib markii la aasaasay ururka Xamaas.

    Iyadoo dhaqdhaqaaqa Xamaas uu ku guuleystay doorashadii guud ee Falastiin 2006, Zahar wuxuu ku biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ra’iisul Wasaare Ismail Haniyeh ee wakhtigaas la dhisay ka hor inta aan la caydhin ugu dambeyntii.

    Israa’iil waxay isku dayday inay disho Zahar sannadkii 2003-dii, markaas oo diyaarad ay bam ku ridday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Gaza. Weerarkaas ayaa waxaa ka soo gaadhay dhaawac fudud, balse waxa uu dilay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Khaled.

    Wiilkiisa labaad, Hossam, oo xubin ka ahaa guutada al-Qassam, ayaa lagu dilay duqayn cirka ah oo Israel ka geysatay Gaza 2008-dii.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

    May 10, 2025

    Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho

    May 10, 2025

    Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

    May 10, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

    May 10, 2025

    Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho

    May 10, 2025

    Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

    May 10, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.