Diyaarado yar yar oo aysan jirin wax kharash ah oo ku baxay ayaa cirka ku duulaya, waxa ay ka kacaan ama ku soo degaan magaalo, kayn, ama dusha sare ee doonida badda dhexdeeda ah, waxa ayay basaastaa, beegsataa oo xataa waxaa ay beddashaa habka dagaalka dhulka.
Hubka cusub uma baahna ciidan aad u badan, balse waxa uu u baahan yahay qof dhulka ka haga oo kaliya.
Bariga dhexe oo ah gobol ay ku badan yihiin colaadaha iyo kooxaha hubaysan ayaa diyaaradahaas waxaa ay ka noqdeen hub cabsi badan abuuraya, qof kasta waxaa uu rabaa in uu helo maadaama yihiin kuwa yaryar oo uusan ku baxayn kharash badan.
Machadka Daraasaadka Siyaasadda Caalamiga ah ee (ISPI) ayaa ku qiyaasay in quwadaha bariga dhexe (marka laga reebo Israa’iil) ay ugu yaraan $1.5 bilyan ku bixiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga shantii sano ee la soo dhaafay.
Goorma ayuu bilowday tartanka diyaaradahan?
Dadka qaar ayaa aaminsan in bilowgii tartanka hubka ee diyaaradaha aa duuliyaha lahayn uu ka bilowday waxa loo yaqaan gugii Carabta, balse tartankan ayaa ka soo horeeyay sida uu qabo DrJames Patton Rogers, oo ah agaasimaha fulinta ee machadka siyaasadda iyo tignoolajiyada ee jaamacadda Cornell oo BBC-da u xaqiijiyay in tartanku uu soo bilowday dabayaaqadii 1970-meeyadii ama horraantii 1980-meeyadii.
Israa’iil iyo Iiraan ayaa tan iyo xilligaas sameynayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna labada waddanba u arkaan in nidaamka hubka fog uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah difaaca qaranka.
Hase yeeshee isbeddelka lama filaanka ah ee isticmaalka diyaaradahaan ayaa billowday kadib markii Turkigu uu adeegsaday in uu kaga hortago weerar ay soo ku qaadeen Ciidanka Suuriya sanadkii 2020-kii.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar ee Turkiga ayaa joojiyay in ka badan 100 baabuur oo gaashaaman oo ay lahyeen ciidamada Suuriya kuwaas oo rabay in ay weeraraan kooxaha mucaaraadka.
Intaa ka dib, dalalka gobolka ayaa bilaabay in si weyn loo isticmaalo, iyada oo quwadaha bariga dhexena ay soo saaraan tiro aad u badan oo diyaaradahan ah.
Maxamed Suleymaan, oo ah maamulaha barnaamijka istaraatiijiyadeed ee teknolojiyadda iyo amniga internetka ee hay’adda Bariga Dhexe, ayaa sheegay in ay jiraan seddex waddan oo billow u ah soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bariga Dhexe.
Kaalinta 1aad
Israa’iil waa dalkii ugu horreeyay ee adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka Lubnaan siddeetamaadkii qarnigii hore sida uu qabo Maxamed Suleymaan.
“Dabcan ku tiirsanaanta Mareykanka waxay ahayd tignoolajiyada, laakiin waxay ka sameeysay horumar ballaran diyaaaradahaan”
Israa’iil ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee soo saarista iyo dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,
Wadarta guud ee hubka ay Israa’iil dhoofisay sanadka 2022, 25 % waxaa uu ahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Israa’iil.
Mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil farsameeysay ayaa ah “Eitan”, oo hawada ku jiri karta 36 saacadood oo xiriir ah, waxayna qaadi kartaa 1,000 kiiloogaraam oo gantaallo ah.
Israa’iil ayaa sidoo kale weeraro, dilal qorsheysan iyo hawlgallo gaar ah ku qaaday diyaaradda Hermes 450 iyo Hermes 900 oo drones ah, waxayna u adeegsatay dagaalladeeda Qasa, sida lagu sheegay warbixinada ay baahiyeen warbaahinta gudaha.
Kaalinta 2aad
Dalka Turkiga ayaa kaalinta labaad galay, kaas oo sida uu qabo Suleymaan bilaabay samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , iyaga oo ku tiirsan naqshadaha reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, oo inta badan laga keeno qalabka ceyriinka ah ee diyaarada laga sameeyo.
Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2, ayaa hawada ku jiri karta 24 saacadood iyadoo jooggeedu gaarayo ilaa 25,000, waxaana loo arkaa wax soo saarkii ugu horeeyay ee Turkiga.
Suleymaan waxa uu intaa ku daray diyaaradahan ay ahaayeen hubka ugu caansan ee Turkigu kula dagaalamay Suuriya laga soo bilaabo sannadkii 2016-kii, iyo sidoo kale Liibiya sannadkii 2019-kii, markaasoo Turkigu u diray Bayraktar dalka Liibiya si looga hortago in Janaraal Khaliifa Xaftar uu qabsado magaalada Tripoli.
Sida laga soo xigtay xogta rasmiga ah ee Turkiga, 2022-kii Bayratar, oo ah shirkad soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxay heshiisyo dhoofin ah la saxiixatay 27 waddan, dakhliga guud ee soo gala wuxuu gaarayaa $ 1.18 bilyan, waxaana ugu caansan Wadamada iibsada diyaarada Ukraine, Poland, Azerbaijan, Morocco, Kuwait, Emirates, Itoobiya, Turkmenistan, Kyrgyzstan, Romania, iyo Albania.
Kaalinta 3aad
Wadanka 3-aad waa Iiraan oo ku tiirsan qalabkan gudaha si ay u soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sababtoo ah way ka jaban yihiin waddanka oo cunaqabatayn dhaqaale ay saaran tahay.
Iran waxay bilawday horumarinta barnaamijyada dayaaradaha aan duuliyaha lahayn ilaa 1980-meeyadii, intii lagu jiray dagaalkii Ciraaq (1980-1988).
Barnaamijka Tehraan ee ah in ay soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo in tiro ka mid ah loo dhoofiyo Ruushka ayaa waxaa ka carooday Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay shabakad ka kooban toban hay’adood iyo afar qof oo fadhigoodu yahay Iran, Malaysia, China iyo Indonesia, sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.
Mareykanka ayaa sidoo kale Iran ku eedeeyay in ay ku lug leedahay in Xuutiyiinta ay siiso diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee duqeymaha u geysta maraakiibta ku sugan badda cas.
Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, wasaaradda gaashaandhigga ee Iran ayaa soo bandhigtay diyaaradda “Mohajer 10”, oo ay sheegtay inay awood u leedahay inay ku duuli karto joog dhan 7,000 mitir, 24 saacadood, iyadoo ku socota xawaare dhan 210 kilomitir, fulinaysana hawl-gallo ilaa laba kun oo kilomitir ah.
Saddexda dal ee carbeeda ee hadda u kordhiya sameeynta diyaaradahan
Sanadihii la soo dhaafay Xiisaha Carabtu u qabaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa koray, gaar ahaan saddexda wadan ee kala ah Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Masar,
Ka dib markii uu caadi noqday xiriirka labada dal ee Imaaraadka iyo Israa’iil ayay si wadajir ah uga shaqeeyeen sameynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Shirkadda Imaaraadka ee Edge iyo Shirkadda Warshadaha Aerospace ee Israa’iil waxay si wadjir ah u horumarinayaan nidaam lagula dagaallamo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “oo ay taageerayaan radar 3D, tignoolajiyada sirdoonka isgaarsiinta, iyo electro-optics oo lagu daray nidaam amar iyo xakameyn midaysan,” sida laga soo xigtay Reuters, iyada oo ujeedadu tahay in la iska celiyo. weerar kasta oo diyaarad Drone ah.
Sacuudi Carabiya ayaa loo arkaa dalka labaad, waxaana xiisaha Boqortooyada ee diyaaradaha uu yimid ka dib markii ilaa 851 weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ay ku qaadeen xarumaha istiraatiijiga ah ee Sacuudiga, sida laga soo xigtay tirokoobyada rasmiga ah ee Sucuudiga tan iyo bilowgii dagaalka Yemen 2015 ilaa 2021.
Bishii Agoosto 2021, website-ka defence News ayaa sheegay in laba shirkadood oo Sucuudi ah ay saxiixeen heshiis ay kaga qayb qaadanayaan soo saarista iyo horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee “Sky Guard”.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa miciin bidday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka kadib markii ay soo iibsatay diyaaradaha Turkiga, waxayna heshiis la saxiixatay bishii Sebtembar 2023 shirkad laga leeyahay dalka Turkiga kadib sanado badan oo xurguf u dhaxeysay labada dal.
Laba shirkadood oo Sacuudiga laga leeyahay ayaa bilaabay soo saarka wadajirka ah ee Karayel-SU ee Turkiga.
Wadanka saddexaad ee Carabtu waa Masar, Maxamed Suleymaan, oo ah agaasimaha fulinta ee barnaamijka istaraatiijiyadda farsamada iyo amniga internetka ee hay’adda Bariga Dhexe, ayaa sheegay in iskaashiga ay Masar la gashay dalalka waaweyn ee dhanka wax-soosaarka hubka guud ahaan iyo helista naqshado casri ah uu abuuray jawi ku habboon wax soo saarka diyaaradaan.
Masar waxa ay soo saartay 6-da bisha Oktoobar diyaarad aan duuliye lahayn, taas oo xawaaraha ay ku socot0 uu yahay 260 kilomitir saacaddii, waxaanay duuli kartaa 30 saacadood oo xariir ah, iyada oo duullimaadkeedu yahay 240 kilomitir.
Bandhigga IDEX 2023 ayaa ciidamada Masar waxa ay ku soo bandhigeen diyaarad nooca Taba1 ah iyo diyaarada Taba 2 kuwaas oo duuli karaa ilaa 8 saacadood oo xiriir ah.
Difaacyada hawada ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
Dadka qaar ayaa aaminsan in dalalka cirka iyo weliba dhulka aanay jirin cid si dhab ah u ilaalisa , gaar ahaan ka dib markii ay ka dhaceen dagaalo siyaasadeed oo xoog badan oo hubaysan oo ka dhacay Ciraaq, Suuriya, Yemen, Liibiya, iyo ugu dambayntii Suudaan, isla markaana horseeday hoos u dhac ku yimi awooddii dawladnimo. ciidamada dalalkaas.
Maxamed Suleyman, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Tignoolajiyada Istiraatijiyadeed iyo Barnaamijka Amniga Internetka ee Xarunta Bariga Dhexe, ayaa leh, “Ilaa hadda, ma jiraan habab toos ah oo lagula dagaallamayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, badi nidaamyadani waxay ku jiraan marxaladda tijaabada.”
Shirkado dhowr ah ayaa soo saaray qalab gacanta lagu qaato oo loo adeegsan karo in laga soo tuuro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.
Shirkadda Injineerada ee OpenWork oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa soo saartay mashiin weyn oo loogu talagalay in lagu soo rido diyaaradahan cabsida badan abuuraya.
Laakiin ilaa hadda ma jiro nidaam sax ah oo lagula dagaalami karo ama ka hortaggi kara diyaaradahan, waxaana cad in diyaaradahani ay wali aad uga horreeyaan awoodda difaaca cirka ee aduunka.
Sidee ayuu isku beddeli doonaan siyaasadda juqraafi ee bariga dhexe tobanka sano ee soo socda
Tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa la arkay horumar halis ah oo ku yimid adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, haddii ay ahaan lahayd dilal qorsheysan sida dilkii Qaasim Suleymaan iyo Saalax Caruuri, weerarradii kiimikada ee Suuriya 2018 iyo Liibiya 2019, iyo xitaa dhanka ah maraakiibta maraysa Bab al -Mandab.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay wax ka beddeleen xeeladaha milatari ee gobolka, laakiin mustaqbalka waxay noqon doonaan kuwo aad u qallafsan.
“Waxaan hadda gaarnay heer aan la xakamayn karin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee bariga dhexe oo dhan, maanta dawladda ama aan koox kale oo dowlad aan ahayn waxay isku hubayn karaan tiknoolajiyada Droneska” ayuu yiri Dr. James Patton Rogers.
“Awoodda iyo kala duwanaashaha isticmaalka diyaaradahan waa uu kordhin doonaa tobanka sano ee soo socda”.
Patton wuxuu kale oo sheegay in mustaqbalka juquraafiyeedka iyo iska horimaadka gobolka ay waji kale yeelan doonaan.