Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Waa kuwee dalalka bariga dhexe ee ugu badan samaynta iyo isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

    Waa kuwee dalalka bariga dhexe ee ugu badan samaynta iyo isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

    By radiohalgan.comFebruary 2, 20249 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Diyaarado yar yar oo aysan jirin wax kharash ah oo ku baxay ayaa cirka ku duulaya, waxa ay ka kacaan ama ku soo degaan magaalo, kayn, ama dusha sare ee doonida badda dhexdeeda ah, waxa ayay basaastaa, beegsataa oo xataa waxaa ay beddashaa habka dagaalka dhulka.

    Hubka cusub uma baahna ciidan aad u badan, balse waxa uu u baahan yahay qof dhulka ka haga oo kaliya.

    Bariga dhexe oo ah gobol ay ku badan yihiin colaadaha iyo kooxaha hubaysan ayaa diyaaradahaas waxaa ay ka noqdeen hub cabsi badan abuuraya, qof kasta waxaa uu rabaa in uu helo maadaama yihiin kuwa yaryar oo uusan ku baxayn kharash badan.

    Machadka Daraasaadka Siyaasadda Caalamiga ah ee (ISPI) ayaa ku qiyaasay in quwadaha bariga dhexe (marka laga reebo Israa’iil) ay ugu yaraan $1.5 bilyan ku bixiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga shantii sano ee la soo dhaafay.

    Goorma ayuu bilowday tartanka diyaaradahan?

    Hermes 900 oo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahyen ee Israa'iil ah
    Qoraalka sawirka,Hermes 900 oo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahyen ee Israa’iil ah

    Dadka qaar ayaa aaminsan in bilowgii tartanka hubka ee diyaaradaha aa duuliyaha lahayn uu ka bilowday waxa loo yaqaan gugii Carabta, balse tartankan ayaa ka soo horeeyay sida uu qabo DrJames Patton Rogers, oo ah agaasimaha fulinta ee machadka siyaasadda iyo tignoolajiyada ee jaamacadda Cornell oo BBC-da u xaqiijiyay in tartanku uu soo bilowday dabayaaqadii 1970-meeyadii ama horraantii 1980-meeyadii.

    Israa’iil iyo Iiraan ayaa tan iyo xilligaas sameynayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna labada waddanba u arkaan in nidaamka hubka fog uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah difaaca qaranka.

    Hase yeeshee isbeddelka lama filaanka ah ee isticmaalka diyaaradahaan ayaa billowday kadib markii Turkigu uu adeegsaday in uu kaga hortago weerar ay soo ku qaadeen Ciidanka Suuriya sanadkii 2020-kii.

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar ee Turkiga ayaa joojiyay in ka badan 100 baabuur oo gaashaaman oo ay lahyeen ciidamada Suuriya kuwaas oo rabay in ay weeraraan kooxaha mucaaraadka.

    Intaa ka dib, dalalka gobolka ayaa bilaabay in si weyn loo isticmaalo, iyada oo quwadaha bariga dhexena ay soo saaraan tiro aad u badan oo diyaaradahan ah.

    Maxamed Suleymaan, oo ah maamulaha barnaamijka istaraatiijiyadeed ee teknolojiyadda iyo amniga internetka ee hay’adda Bariga Dhexe, ayaa sheegay in ay jiraan seddex waddan oo billow u ah soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bariga Dhexe.

    Kaalinta 1aad

    Israa’iil waa dalkii ugu horreeyay ee adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka Lubnaan siddeetamaadkii qarnigii hore sida uu qabo Maxamed Suleymaan.

    β€œDabcan ku tiirsanaanta Mareykanka waxay ahayd tignoolajiyada, laakiin waxay ka sameeysay horumar ballaran diyaaaradahaan”

    Israa’iil ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee soo saarista iyo dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,

    Wadarta guud ee hubka ay Israa’iil dhoofisay sanadka 2022, 25 % waxaa uu ahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Israa’iil.

    Mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil farsameeysay ayaa ah “Eitan”, oo hawada ku jiri karta 36 saacadood oo xiriir ah, waxayna qaadi kartaa 1,000 kiiloogaraam oo gantaallo ah.

    Israa’iil ayaa sidoo kale weeraro, dilal qorsheysan iyo hawlgallo gaar ah ku qaaday diyaaradda Hermes 450 iyo Hermes 900 oo drones ah, waxayna u adeegsatay dagaalladeeda Qasa, sida lagu sheegay warbixinada ay baahiyeen warbaahinta gudaha.

    Kaalinta 2aad

    Dalka Turkiga ayaa kaalinta labaad galay, kaas oo sida uu qabo Suleymaan bilaabay samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , iyaga oo ku tiirsan naqshadaha reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, oo inta badan laga keeno qalabka ceyriinka ah ee diyaarada laga sameeyo.

    Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2, ayaa hawada ku jiri karta 24 saacadood iyadoo jooggeedu gaarayo ilaa 25,000, waxaana loo arkaa wax soo saarkii ugu horeeyay ee Turkiga.

    Suleymaan waxa uu intaa ku daray diyaaradahan ay ahaayeen hubka ugu caansan ee Turkigu kula dagaalamay Suuriya laga soo bilaabo sannadkii 2016-kii, iyo sidoo kale Liibiya sannadkii 2019-kii, markaasoo Turkigu u diray Bayraktar dalka Liibiya si looga hortago in Janaraal Khaliifa Xaftar uu qabsado magaalada Tripoli.

    Sida laga soo xigtay xogta rasmiga ah ee Turkiga, 2022-kii Bayratar, oo ah shirkad soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxay heshiisyo dhoofin ah la saxiixatay 27 waddan, dakhliga guud ee soo gala wuxuu gaarayaa $ 1.18 bilyan, waxaana ugu caansan Wadamada iibsada diyaarada Ukraine, Poland, Azerbaijan, Morocco, Kuwait, Emirates, Itoobiya, Turkmenistan, Kyrgyzstan, Romania, iyo Albania.

    Kaalinta 3aad

    Wadanka 3-aad waa Iiraan oo ku tiirsan qalabkan gudaha si ay u soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sababtoo ah way ka jaban yihiin waddanka oo cunaqabatayn dhaqaale ay saaran tahay.

    Iran waxay bilawday horumarinta barnaamijyada dayaaradaha aan duuliyaha lahayn ilaa 1980-meeyadii, intii lagu jiray dagaalkii Ciraaq (1980-1988).

    Barnaamijka Tehraan ee ah in ay soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo in tiro ka mid ah loo dhoofiyo Ruushka ayaa waxaa ka carooday Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay shabakad ka kooban toban hay’adood iyo afar qof oo fadhigoodu yahay Iran, Malaysia, China iyo Indonesia, sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.

    Mareykanka ayaa sidoo kale Iran ku eedeeyay in ay ku lug leedahay in Xuutiyiinta ay siiso diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee duqeymaha u geysta maraakiibta ku sugan badda cas.

    Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, wasaaradda gaashaandhigga ee Iran ayaa soo bandhigtay diyaaradda “Mohajer 10”, oo ay sheegtay inay awood u leedahay inay ku duuli karto joog dhan 7,000 mitir, 24 saacadood, iyadoo ku socota xawaare dhan 210 kilomitir, fulinaysana hawl-gallo ilaa laba kun oo kilomitir ah.

    Saddexda dal ee carbeeda ee hadda u kordhiya sameeynta diyaaradahan

     Diyaaradaha aan duuliyaha lahyen Iran ee "Mohajer 10".
    Qoraalka sawirka,Diyaaradaha aan duuliyaha lahyen Iran ee “Mohajer 10”.

    Sanadihii la soo dhaafay Xiisaha Carabtu u qabaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa koray, gaar ahaan saddexda wadan ee kala ah Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Masar,

    Ka dib markii uu caadi noqday xiriirka labada dal ee Imaaraadka iyo Israa’iil ayay si wadajir ah uga shaqeeyeen sameynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Shirkadda Imaaraadka ee Edge iyo Shirkadda Warshadaha Aerospace ee Israa’iil waxay si wadjir ah u horumarinayaan nidaam lagula dagaallamo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “oo ay taageerayaan radar 3D, tignoolajiyada sirdoonka isgaarsiinta, iyo electro-optics oo lagu daray nidaam amar iyo xakameyn midaysan,” sida laga soo xigtay Reuters, iyada oo ujeedadu tahay in la iska celiyo. weerar kasta oo diyaarad Drone ah.

    Sacuudi Carabiya ayaa loo arkaa dalka labaad, waxaana xiisaha Boqortooyada ee diyaaradaha uu yimid ka dib markii ilaa 851 weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ay ku qaadeen xarumaha istiraatiijiga ah ee Sacuudiga, sida laga soo xigtay tirokoobyada rasmiga ah ee Sucuudiga tan iyo bilowgii dagaalka Yemen 2015 ilaa 2021.

    Bishii Agoosto 2021, website-ka defence News ayaa sheegay in laba shirkadood oo Sucuudi ah ay saxiixeen heshiis ay kaga qayb qaadanayaan soo saarista iyo horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee “Sky Guard”.

    Boqortooyada Sacuudiga ayaa miciin bidday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka kadib markii ay soo iibsatay diyaaradaha Turkiga, waxayna heshiis la saxiixatay bishii Sebtembar 2023 shirkad laga leeyahay dalka Turkiga kadib sanado badan oo xurguf u dhaxeysay labada dal.

    Laba shirkadood oo Sacuudiga laga leeyahay ayaa bilaabay soo saarka wadajirka ah ee Karayel-SU ee Turkiga.

    Wadanka saddexaad ee Carabtu waa Masar, Maxamed Suleymaan, oo ah agaasimaha fulinta ee barnaamijka istaraatiijiyadda farsamada iyo amniga internetka ee hay’adda Bariga Dhexe, ayaa sheegay in iskaashiga ay Masar la gashay dalalka waaweyn ee dhanka wax-soosaarka hubka guud ahaan iyo helista naqshado casri ah uu abuuray jawi ku habboon wax soo saarka diyaaradaan.

    Masar waxa ay soo saartay 6-da bisha Oktoobar diyaarad aan duuliye lahayn, taas oo xawaaraha ay ku socot0 uu yahay 260 kilomitir saacaddii, waxaanay duuli kartaa 30 saacadood oo xariir ah, iyada oo duullimaadkeedu yahay 240 kilomitir.

    Bandhigga IDEX 2023 ayaa ciidamada Masar waxa ay ku soo bandhigeen diyaarad nooca Taba1 ah iyo diyaarada Taba 2 kuwaas oo duuli karaa ilaa 8 saacadood oo xiriir ah.

    Difaacyada hawada ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

    Qoriga loo isticmaalo gudaha Ukraine si loogu ugaarsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

    Dadka qaar ayaa aaminsan in dalalka cirka iyo weliba dhulka aanay jirin cid si dhab ah u ilaalisa , gaar ahaan ka dib markii ay ka dhaceen dagaalo siyaasadeed oo xoog badan oo hubaysan oo ka dhacay Ciraaq, Suuriya, Yemen, Liibiya, iyo ugu dambayntii Suudaan, isla markaana horseeday hoos u dhac ku yimi awooddii dawladnimo. ciidamada dalalkaas.

    Maxamed Suleyman, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Tignoolajiyada Istiraatijiyadeed iyo Barnaamijka Amniga Internetka ee Xarunta Bariga Dhexe, ayaa leh, “Ilaa hadda, ma jiraan habab toos ah oo lagula dagaallamayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, badi nidaamyadani waxay ku jiraan marxaladda tijaabada.”

    Shirkado dhowr ah ayaa soo saaray qalab gacanta lagu qaato oo loo adeegsan karo in laga soo tuuro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.

    Shirkadda Injineerada ee OpenWork oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa soo saartay mashiin weyn oo loogu talagalay in lagu soo rido diyaaradahan cabsida badan abuuraya.

    Laakiin ilaa hadda ma jiro nidaam sax ah oo lagula dagaalami karo ama ka hortaggi kara diyaaradahan, waxaana cad in diyaaradahani ay wali aad uga horreeyaan awoodda difaaca cirka ee aduunka.

    Sidee ayuu isku beddeli doonaan siyaasadda juqraafi ee bariga dhexe tobanka sano ee soo socda

    Askari ku jira difaac  gudaha Ukraine
    Qoraalka sawirka,Askari ku jira difaac gudaha Ukraine

    Tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa la arkay horumar halis ah oo ku yimid adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, haddii ay ahaan lahayd dilal qorsheysan sida dilkii Qaasim Suleymaan iyo Saalax Caruuri, weerarradii kiimikada ee Suuriya 2018 iyo Liibiya 2019, iyo xitaa dhanka ah maraakiibta maraysa Bab al -Mandab.

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay wax ka beddeleen xeeladaha milatari ee gobolka, laakiin mustaqbalka waxay noqon doonaan kuwo aad u qallafsan.

    “Waxaan hadda gaarnay heer aan la xakamayn karin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee bariga dhexe oo dhan, maanta dawladda ama aan koox kale oo dowlad aan ahayn waxay isku hubayn karaan tiknoolajiyada Droneska” ayuu yiri Dr. James Patton Rogers.

    “Awoodda iyo kala duwanaashaha isticmaalka diyaaradahan waa uu kordhin doonaa tobanka sano ee soo socda”.

    Patton wuxuu kale oo sheegay in mustaqbalka juquraafiyeedka iyo iska horimaadka gobolka ay waji kale yeelan doonaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.