Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa kuma xildhibaanka laga musaafuiyay Jabuuti, maxayse Shiinaha isku hayaan?

    Waa kuma xildhibaanka laga musaafuiyay Jabuuti, maxayse Shiinaha isku hayaan?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 30, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaan Tim Loughton oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska ayaa sheegay in laga musaafuriyay dalka Jabuuti sababo la xiriira xiriirka dhow ee dalka ku yaalla bariga Afrika uu la leeyahay Shiinaha.

    Ka dib musaafurintiisa ayaa waxa uu xildhibaanka yiri: “Jabuuti si wax ku ool ah ayey u tahay waddan Shiinaha ka tirsan – waxa Shiinuhu rabo, sababtoo ah Jabuuti in xildhibaan dhib badan oo Shiinuhu cunaqabatayn ku soo rogay uu albaabkooda yimaado waxay ahayd wax aanay doonayn inay ka kaftamaan.”

    “Tani waxay ahayd tusaale kale oo ku saabsan sida teendhooyinka Dawladda Shuuciga ah ee Shiinaha ay ugu fidayaan meelaha fog, iyo saamaynta xun ee ay ku leeyihiin qaybaha xasaasiga ah ee Afrika ayaa ah mid walaac gaar ah leh,” ayuu si gaar ah ugu sheegay BBC online.

    Hase yeeshee Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha (Jabuuti) ayaa sheegay in eedeymaha ah in Loughton loo xiray dhaleeceyntiisa Shiinaha ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

    Afhayeenku waxa uu sheegay in eedaymahaasi ay yihiin kuwo been abuur ah iyo hadallo aflagaaddo ah oo la isku dayey in lagu sumcad dilo Shiinaha laguna dhaawaco xiriirka Beijing iyo London.

    Shiinaha iyo Timothy Paul Loughton

    26-kii Maarso 2021, waxaa lagu dhawaaqay in Loughton uu ka mid yahay shan xildhibaan oo Shiinuhu cunaqabatayn saarayo ka dib markii ay ku eedeeyeen inay warar been abuur ah ka faafiyeen Shiinaha.

    Ka dib waxaa laga mamnuucay inuu soo galo Shiinaha, Hong Kong iyo Macau. Waxaa sidoo kale laga mamnucay in muwaadiniinta iyo hay’adaha shiinaha ay ganacsi la sameeyaan xildhibaankan.

    Waxay ku timid aargoosi tallaabooyin ay dawladda UK ka qaadatay xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah kooxda laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Uighur.

    Mr Loughton waa la-guddoomiyaha kooxda dhammaan baarlamaanka ee Tibet, taas oo muujisay rikoorka Shiinaha ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

    2019, wuxuu soo bandhigay Sharciga Helitaanka Isdhaafsiga ee Aqalka Baarlamaanka kaas oo u baahan in dawladda UK ay qaado tillaabooyin ka dhan ah saraakiisha Shiinaha oo u diidaya inay galaan Tibet.

    Sidoo kale waa xubin hormuud u ah Isbaheysiga Inter-Parliamentary Alliance on China, koox caalami ah oo ka shaqeeya dib u habeynta sida wadamada dimuqraadiga ah ay ula xiriiraan Shiinaha.

    Wasiirkii hore iyo xubin ka tirsan guddiga doorashada ee arrimaha gudaha ayaa sheegay in uusan u tartami doonin doorashada soo socota oo uu baarlamaanka ku jiray in ka badan 27 sano.

    Waa kuma xildhibaan Timothy Paul Loughton?

    Timothy Paul Loughton waxa uu 30-kii May 1962 ku dhashay Eastbourne, East Sussex.

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Timothy Paul Loughton waxa uu 30-kii May 1962 ku dhashay Eastbourne, East Sussex.

    Timothy Paul Loughton waxa uu 30-kii May 1962 ku dhashay Eastbourne, East Sussex. Waa siyaasi Ingiriis ah horena bangi uga soo shaqeeyay. Waa xubin baarlamaanka ku matalayay deegaanka East Worthing iyo Shoreham ilaa doorashadii guud ee 1997.

    Sidoo kale waa xubin ka tirsan Xisbiga Conservative-ka, waxa uu ahaa Ku-xigeenka Xoghayaha Dawladda ee Carruurta iyo Qoysaska ee Baarlamaanka 2010 ilaa 2012 waxana uu laba jeer soo noqday Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Xulista Arrimaha Gudaha 2016 iyo 2021.

    Bishan Abriil 2024, Loughton wuxuu ku dhawaaqay inuusan raadin doonin dib-u-doorashada xildhibaan ee doorashada guud ee soo socota.

    Wuxuu ahaa xoghayaha Jaamacadda Warwick Conservative Association. Wuxuu ku qalin jabiyay heerka koowaad ee shahaadada Bachelor of Arts (BA Hons) 1983.

    Loughton wuxuu guursaday Elizabeth Juliet MacLauchlan 1992, waxayna dhaleen laba gabdhood iyo wiil.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.