Sabtidii la soo dhaafay Amiirka dalka Kuwait Sheekh Meshaal Al-Axmad Al-Jaber Al-Sabah, ayaa soo saaray amar uu ku sheegayo in Sheekh Sabah Khalid Al-Xamad Al-Mubarak Al-Sabah uu noqdo dhaxal sugaha amiirka dalkaas.
Axaddiina dhaxal sugaha cusub ayaa la dhaariyay dhaar dastuuri ah, isagoo sidoo kale noqonaya ku xigeenka amiirka, Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KUNA.
Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegtay in dhaxal sugaha cusub lagula taliyay in uu bilaabo shaqadiisa.
10-kii May, Amiirka Kuwait ayaa khudbad laga sii daayay TV-ga ku yiri: “Waxaan amray in la kala diro Golaha Shacbiga, lana laalo qodobo ka mid ah Dastuurka muddo aan ka badneyn 4 sano, iyadoo dhammaan dhinacyada geedi socodka dimoqraadiyada lagu baran doono.”
Amiir Mishal ayaa ku tilmaamay tillaabada mid “go’aan adag ah oo lagu badbaadinayo dalka laguna sugayo danihiisa muhiimka ah,” isagoo tilmaamay in “faragelini ka timid qaar ka mid ah wakiillada oo xaq u leh inay doortaan wasiirrada iyo amiirka dhaxalka leh.
Waa kuma dhaxal sugaha cusub
Sheekh Sabah waxa uu shaqadiisa bilaabay markii uu ku biiray Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait sanadkii 1978-dii ilaa 1983, ka hor intii aanu ka shaqaynin ergadii Kuwait ee Qaramada Midoobay ee New York intii u dhaxaysay 1983-dii ilaa 1989-kii.
Sanadihii 1995-tii ilaa 1998-kii, Sheekh Sabah Al-Khalid waxa uu soo noqday danjirihii dalkiisa ee Sacuudiga, iyo ergayga dalkiisa ee Ururka Islaamka.
Mudadaas Sheekh Sabaax Al-Khaalid waxa uu ka qayb-galay shirarkii Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Waddamada Khaliijka Carabta.
Waxaa jirtay wareegto la soo saaray oo Sheekh Sabaax loogu magacaabay madaxa Nabadsugidda Qaranka, sannadkii 1998-kii.
Sheekh Sabaax waxa uu qabtay xilka Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Shaqada intii u dhaxaysay 2006-dii ilaa 2007-dii, ka dibna waxa uu noqday wasiirka Warfaafinta, 2008-dii ilaa 2009-kii.
Sheekh Sabah ayaa sanadkii 2011-kii ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait, waxaana xilkaasi loo raaciyay oo uu noqday sanadkii 2012-kii, ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait.
Sheekh Sabaax waxa uu xilalkan hayay ilaa 2019-ka.
Digreeto Amiri ayaa soo baxday November 2019-kii, taas oo Sheekh Sabah loogu magacaabay Ra’iisul Wasaare, isla markaana loo xilsaaray inuu soo magacaabo xubnaha xukuumadda cusub, oo ah xukuumaddii ugu horreysay ee loo xilsaaray inuu soo dhiso.
Bishii Disembar 2020-kii, Sheekh Sabah waxa uu soo dhisay dawladiisii labaad, ka dibna waxa uu soo dhisay dawladiisii saddexaad bishii Maarso 2021, Sheekh Sabah waxa uu dhisay dawladiisii afraad Disember 2021.
Sheekh Sabah Al-Khalid ayaa intii uu ku guda jiray shaqadiisa diblomaasiyadeed iyo tan dowladeed waxa uu qaatay billado dhowr ah oo ay ka mid yihiin billadda Boqor Cabdul casiis, sannadkii 1998-kii, billadda xiddigta Quddus ee uu ka helay madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas sannadkii 2018-kii, iyo billadda Nilein ee Suudaan.
Dalal badan oo ka tirsan dunida Carabta iyo reer galbeedka oo Mareykanku ugu horreeyo ayaa hambalyo u diray dhaxal sugaha cusub ee Amiirka Kuwait oo inta badan ay ku tilmaameen inuu yahay nin dalkiisa ka soo qabtay shaqooyin badan isla markaana haysta khibarad sare oo ku filan.