Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025

    DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Maqokori

    July 7, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Maqokori

      July 7, 2025

      Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

      July 5, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Maqokori

      July 7, 2025

      Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

      July 5, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa kuma ninka horay uga shaqayn jiray Soomaaliya ee la wareegay xilka taliyaha ATMIS?

    Waa kuma ninka horay uga shaqayn jiray Soomaaliya ee la wareegay xilka taliyaha ATMIS?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 31, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Iyadoo ciidamada Israa’iil ay shaaciyeen in ay dileen hoggaamiyihii Xisbullah Fu’aad Shukri duqeyntii lala beegsaday duleedka koonfureed ee Beirut fiidnimadii Talaadada, ayaa ilo wareedyo ku dhow Xisbullah waxay u sheegeen wakaaladda wararka Faransiiska in hoggaamiyihii caanka ahaa ee militariga xisbiga Fu’aad Shukr uu ka badbaaday weerarka.

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay si sax ah ugu weerareen xaafadda koonfureed ee Beirut taliyihii mas’uulka ka ahaa dilka carruurta ee Majdal Shams, kuna dilay Israa’iiliyiin badan.

    Axios oo soo xiganaya sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in bartilmaameedka Beirut uu ahaa Fu’aad Shukr, kaas oo mas’uul ka ah dhammaan howlgallada militari ee Xisbullah.

     

    Duqayn

    Xigashada Sawirka,AFP

    Waa kuma Fu’aad Shukr?

    Fu’aad Shukr waxa uu ku dhashay 1962-dii magaalada Nabi Sheet, ee Baalbek, waxaana lagu naaneesaa “Hajj Mohsen”.

    Fu’aad Shukr ayaa in ka badan 30 sano u shaqeynayay Xisbullah, lamana oga howlaha loo igmaday.

    Waxaa jira xog tilmaamaysa in Shukr uu yahay taliyihii ugu horreeyay ee militariga xisbiga ee koonfurta Lubnaan.

    Mid kale ayaa u arka Fu’aad Shukr inuu ahaa mid ka mid ah la-taliyayaasha sare ee Xoghayaha Guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah, wuxuuna sidoo kale aad ugu dhawaa hoggaamiyihii hore ee Xisbullah Imad Mughniyeh.

    Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in Shukr uu bedelay Mustafa Badreddine, oo ahaa taliyihii militariga Xisbullah oo lagu dilay xaalado qarsoodi ah gudaha Suuriya sanadkii 2016-kii.

    Sida laga soo xigtay mareegta Times of Israel, ciidamada Israa’iil waxay sheegeen sanado ka hor in Shukr “uu kormeero mashruuca gantaallada saxda ah ee Xisbullah.” Warbaahinta Israel ayaa tilmaamaysa inuu yahay “Ninka labaad ee Xisbullah ugu saameynta badan”.

    Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Shukr “uu u adeego ururka ugu sarreeya ee Xisbullah ee Golaha Jihaadka, wuxuuna ka caawiyay dagaalyahannada Xisbullah iyo millatariga Suuriya ololaha millateri ee Xisbullah ee ka dhanka ah xoogagga mucaaradka Suuriya ee isla dalkaasi.

    Mareykanka ayaa sheegay in uu door muhiim ah ka qaatay weerarkii lagu qaaday ciidamada Marines-ka Mareykanka sanadkii 1983-kii ee ka dhacay Beirut, kaasoo lagu dilay 241 askari oo Mareykan ah, laguna dhaawacay 128 kale.

    Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence ayaa ku tilmaamay in uu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarka.

    Xisbullah

    Xigashada Sawirka,AP

    “Malaayiin doollar wixii macluumaad ah”

    Sannadkii 2017-kii, Maraykanku wuxuu abaal-marin lacageed oo dhan 5-milyan oo doollar u ballan qaaday ciddii keenta xog lagu soo xiro hoggaamiyaha sare Fu’aad Shukr, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanku ay xilligaas sheegtay in abaal-marintu ay tahay “tallaabo kale oo lagu kordhinayo cadaadiska Xisbullah iyo madaxdeeda.”

    Sannadkii 2015-kii, Qasnadda Maraykanku waxay Shukr ugu magacawday “argagixiso gaar ah” sida uu dhigayo Amarka Fulinta ee 13582 ee u shaqaynta ama magaca Xisbullah.

    Waxa kale oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ku magacawday 2019-kii inuu yahay “argagixiso caalami ah oo si gaar ah loogu asteeyey” iyadoo la raacayo Amarka Fulinta ee 13224.

    Ku magacaabistaas darteed, Fu’aad Shukr magaciisa waxaa lagu daray liiska cunaqabateynta Mareykanka, taasoo ka dhigan in la xannibay dhammaan hantidiisa iyo danaha hantidiisa ee ku xiran xukunka Mareykanka, iyadoo ay sii dheer tahay in guud ahaan uu mamnuucayo dadka Mareykanka ah inay wax ganacsi ah la sameeyaan.

    Waxaa xusid mudan in ciidamada Israa’iil ay sidoo kale u qoondeeyeen abaalmarin dhan 5 milyan oo doolar qofkii keena xog isaga ku saabsan, sida ay sheegeen warbaahinta Israa’iil.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025

    DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Maqokori

    July 7, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025

    DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Maqokori

    July 7, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.