Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

      July 31, 2025

      C/wali Gaas oo Deni ugu baaqay inuusan shareysan Maamulka W/Bari

      July 31, 2025

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      C/wali Gaas oo Deni ugu baaqay inuusan shareysan Maamulka W/Bari

      July 31, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa kuma ninka horay uga shaqayn jiray Soomaaliya ee la wareegay xilka taliyaha ATMIS?

    Waa kuma ninka horay uga shaqayn jiray Soomaaliya ee la wareegay xilka taliyaha ATMIS?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 31, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS Janaraal Sam Kavuma ayaa si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, isaga oo sheegay in ay in la isku kaashadu sidii loo wiiqi lahaa ururka al Shabaab ee liddiga ku ah amniga Soomaaliya.

    Kavuma oo magaalada Muqdisho soo gaaray Axaddii, ayaa waxa uu bogaadin u jeediyay dhamaan ciidamada ka kala yimid wadamada Afrika ee Soomalaiya u jooga hawlgalkaan, kuwaas oo ku guuleystay in ay al Shabab ka xoreeyaan meel badan, sidaas waxaa sheegay milatariga dalka Uganda.

    “Taliyuhu wuxuu ku nuux nuux saday sida iskaashigu hoos ugu dhigay awoodda ururka Shabab, Soomaaliyana uguhorseeday in ay horumar ka samayso arrintaan,” ayaa lagu yiri warka ay soosaareen Ciidamada Difaaca Dadka Uganda.

    Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS ayaa waxa uu la wareegayaa talada xilli hawlgalka guud ee ATMIS uu taagan yahay heer gaban gabo ah, kaas oo horay loo qorsheeyay in ay ciidamada ay isaga baxaan Soomaaliya dhamaadka sanadkaan, in kasta oo dawladda Soomaaliya ay dhawaan ka codsatay Midowga Afrika in la tartiibiyo qorshaha bixitaanka ciidanka.

    “Waxaan ku soo biirayaa kooxda anaga oo doonaya inaan hirgalino in hawlgalkaan loo badalo mid cusub marka la gaaro bisha December ee 2024 ta. Ka hogaamiyaha ATMIS ahaan waxaan aadi doonaa xeryaha miltariga ATMIS,” ayuu yiri Kavuma oo soo xigteen Milatariga Uganda.

    Kavuma ayaa waxa uu badalayaa Janaraal Sam Okiding oo ahaa hugaamiyaha ciidamada ATMIS tan iyo bishii May ee sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2023 da. Balse mar dambe ayaa waxaa loo magacaabay ku xigeenka Taliska ciidamada difaaca ee dalka Uganda bishii March ee sanadkaan aynu ku jirno ee 2024.

    Uganda ayaa waxay ka mid tahay wadamada ay ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, iyaga oo ku jira hawlgalka ATMIS ee horay loo oran jiray AMISOM, kaas oo ay qayb ka yihiin wadamada Burundi, Djibouti, Kenya, iyo Ethiopia, waxaana inta badan ka yimaada taliyaasha xukuma ciidamada qaybta ka ah hawlgalkaan.

    ATMIS waxaa abuuray Midowga Afrika oo ay la jirtay dalwadda Soomaaliya, waxaana qorshuhu ahaa in ay nabad ilaalin u yimaadaan Soomaaliya.

    Sam

    Xigashada Sawirka,ATMIS

    Waa kuma Samuel Kavuma?

    Janaraal Samuel Kavuma, oo si guud dalkiis looga yaqaano Sam Kavuma, waa sargaal sare oo ka tirsan milatariga Uganda.

    Horay waxa uu u soo noqday taliye ku xigeed ee Ciidamada Cirka ee Difaaca Dadka Uganda. Balse sanadkii 2021 kii ayaa digreeto uu soo saaray madaxweynaha Uganda waxa uu noqday ku xigeenka Hawlgalka Abuuritaanka Barwaaqada ee dalkaas, waxa uuna xilkaas hayay tan iyo bishii March ee sanadkaan 2024 ta.

    Balse waxaa intaas oo dhan ka sii horeeyay in nankani soo noqday taliyaha ciidamada Difaaca Dadka Uganda qaybtooda ku sugneed Soomaaliya ee hawlgalka u joogtay, xilligaas ayaa waxay qayb ka ahaayeen hawlgalkii AMISOM.

    Booskaas ayaa waxaa loo magacaabay bishii October ee sanadkii 2014 kii.

    Ka hor xilligaas, sanadkii 2011 kii, isaga oo watay darajada Kornayl ayuu Sam Kavuma waxa uu soo hugaamiyay qayb 5-aad ee ciidamada Difaaca Dadka Uganda, oo saldhigoodu uu ku yaalay Wuqooyiga dalka Uganda, balse markii la gaaray sanadkii 2018 kii ayaa waxaa loo dalacsiiyay darajada ciidan ee Gaashaanle.

    Janaraal Sam Kavuma ayaa waxa uu hora yuga soo shaqeeyay hawlgallo kan Soomaaliya la mid ah oo laga sameeyay Afrika, waxaana ka mid ah hawlgalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Waxa uu ahaa taliyihii xukumayay ciidamada Midowga Afrika ay halkaas u direen si ay ula dagaalamaan kooxda LRA ee aaggaas kusgnayd.

    Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa waxay sheegtay ATMIS in uu ahaa sargaal khibrad u leh hawlgallada.

    Dhanka kale, xilliyo hore ayay ATMIS sheegtay in uu ka soo shaqeeyay hawlgallo ka dhacayay wadamo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin South Sudan, Jamhuuriyada Democratic Republic of Congo, iyo dalkiisa hooyo ee Uganda.

    Waxaa kale oo ay sheegeen in uu tababaro xirfadeed oo ay ka mid yihiin kuwa milatariga uu soo qaatay, uuna haysto shahaadada koobaad ee jaamacadda. Dhawaan ayay sheegeen in uu dhameeyay heerka labaad ee jaamacadda.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.