Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Waa kuma ninka ay Iran aad uga carootay dilkiisa ee lagu tuhunsan yahay in Israa’iil duqeyn ku dishay?

    Waa kuma ninka ay Iran aad uga carootay dilkiisa ee lagu tuhunsan yahay in Israa’iil duqeyn ku dishay?

    By radiohalgan.comApril 2, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay weerar loo aaneeyay Israa’iil oo ka dhacay dhismaha qunsuliyadda Iran ee Dimishiq Isniintii.

    Dadka dhintay waxaa ka mid ah Sarreeye Guuto Maxamed Reza Zahedi oo ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa ee ilaalada kacaanka, sida uu sheegay ururkan ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Iran.

    Weerarka ayaa burburiyay dhismo dhowr dabaq ah oo ku dhagan safaaradda Iran ee ku taal degmada Mezzeh ee caasimadda Suuriya.

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Suuriya ayaa cambaareeyay weerarka, waxayna farta ku fiiqeen Israa’iil oo ciidankeedu ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

    Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya, diyaaradaha Israa’iil ayaa weeraray dhismaha qunsuliyadda iyafoo kasoo galay buuraha Golan Heights 5:00 galabnimo. wakhtiga maxaliga ah ee Isniinta.

    Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya qiic iyo boor ka soo baxayay haraadiga dhismaha dumay iyo dhaq dhaqaaqyada gurmadka.

    Safaaradda Iran ee ku taal daarta ku dheggan uma muuqato in uu soo gaaray burbur weyn.

    Zahedi, oo ah isku xiraha Iran iyo Xisbullah

    Telefishinka qaranka Iran ayaa xaqiijiyay geerida Mohamed Reza Zahedi, oo ay ku tilmaantay inuu ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada Quds, oo ah qaybta hawlgallada shisheeye ee Ilaalada Kacaanka.

    Zahedi oo 63 jir ah ayaa ahaa taliyaha guud ee ciidamada Quds ee Suuriya iyo Lubnaan.

    Sida laga soo xigtay khubarrada, wuxuu ahaa xiriiriyaha ugu weyn ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, ururka siyaasadeed iyo militariga Lubnaan ee Midowga Yurub, Maraykanka iyo qayb ka mid ah beesha caalamka.

    Muddo dheer oo uu ka tirsanaan jiray ilaalada kacaanka, Zahedi waxa uu hore u soo noqday taliyaha ciidamada cirka iyo dhulka, waxaan uuna masuul ka ahaa ammaanka caasimadda Tehran.

    Waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Quds ee Lubnaan tan iyo 2008-dii, jagadaas oo uu hore u soo qabtay intii u dhaxaysay 1998-dii ilaa 2002-dii.

    Sida laga soo xigtay khubarada, Zahedi wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray kaalmada milatari ee ay Ciidanka Quds siiyaan Xisbullah, isaga oo kormeeraya shixnadaha hubka .

    Waxa uu sidoo kale mas’uul ka ahaa kaalmada militari ee garabka shisheeye ee ciidamada qalabka sida ee Iran ay siiso maamulka Bashaar Al-Asad ee Suuriya.

    Kaaliyaha Zahedi, Maxamed Haadi Xaaji-Raxiimi, ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim.

    “Ku xadgudubka heerarka caalamiga ah”

    Kooxda ka shaqeysa xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska iyo shabakad xog-ogaal ah oo ku sugan gudaha dalka Suuriya, ayaa tirada dadka ku dhintay weerarka ku sheegtay 8 qof oo kala ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan ciidammada Quds, laba la taliye oo Iiraaniyiin ah iyo shan xubnood oo ka tirsan Kacaanka.

    Afhayeen u hadashay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa tilmaantay in madaxweyne Joe Biden uu ka warhayo wararka iyo in “kooxdiisu ay baarayaan.”

    Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa sheegtay in difaaca cirka ay soo rideen qaar ka mid ah gantaallada hawada laga soo tuuray, laakiin qaar kale ayaa ka baxsaday oo “burburiyay dhismaha oo dhan, iyagoo dilay ama dhaawacay qof kasta oo gudaha ku jiray.”

    Waxa uu intaasi ku daray inay wadaan dadaallo lagu soo saarayo meydadka iyo samata bixinta dadka ku dhaawacmay burburka oo hoos kujira, iyadoo aan la cayimin tirada iyo waxa ay yihiin.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya Faysal Mekdad ayaa si adag u cambaareeyay waxa dhacay, oo uu ku sheegay in uu ahaa “weerar argagixiso” oo aad u xun, wuxuuna sheegay in ay ku dileen “dhowr qof oo aan waxba galabsan.”

    Sidoo kale “wuxuu iftiimiyay baahida loo qabo jawaab celin dhab ah oo ka timaada beesha caalamka.”

    Weerarkan ayaa daba socday duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Dimishiq iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Xalab todobaadkii hore, kuwaas oo kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya ay sheegtay inay ku dileen 53 qof, oo ay ku jiraan 38 askari oo Suuriyaan ah iyo 7 ka tirsan Xisbullah.

    Israa’iil waxay qiratay mas’uuliyadda boqolaal weerar sannadihii la soo dhaafay oo ka dhan ah bartilmaameedyada Suuriya ee isku xira Iran iyo kooxaha fallaagada ah ee xulafada ah oo hubaysan, oo ay maalgeliyaan isla markaana tababaraan Ilaalada Kacaanka.

    Milatariga Israa’iil ayaa kordhiyay weerarrada tan iyo markii uu billowday dagaalka Marinka Qasa bishii Oktoobar, taasoo jawaab u ah gantaallada, madaafiicda iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka soo gudba xuduudka oo ay fuliyeen dagaalyahannada Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ee ka dagaallanta Lubnaan iyo Suuriya.

    Isha: BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.