Close Menu
    What's Hot

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

      March 30, 2026

      Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

      March 30, 2026

      Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

      March 30, 2026

      DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka

      March 30, 2026

      Madaxweynaha Jabuuti oo Daah-furay Mashruuca “Salaam City” oo ku kacaya $480 Milyan

      March 24, 2026

      Trump oo hakiyay duqeymaha Iran 5 maalmood, wada-hadallo xasaasi ah oo furmay

      March 24, 2026

      Diyaarad ku burburtay xadka Peru.

      March 24, 2026

      Midowga Yurub oo war ka soo saartay Xiisadda Koofur Galbeed.

      March 24, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

      March 30, 2026

      Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

      March 30, 2026

      Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

      March 30, 2026

      DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka

      March 30, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Waa kuma Muxudiin Daqarre, maxayse qabashadiisa muhiim u tahay? Xog sirdoon

    Waa kuma Muxudiin Daqarre, maxayse qabashadiisa muhiim u tahay? Xog sirdoon

    By radiohalgan.comFebruary 4, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxudiin Daqarre) oo ka tirsan saraakiisha Al Shabaab.

    Wararku waxay sheegayaan in Muxudiin Daqarre lagu qabtay magaalada Muqdisho ‘oo uu si dhuumalaysi ah ku soo galay’, laakinse lama sheegin sida loo qabtay iyo goobta uu ku sugnaa markii la qabanayey.

    Waxaa la sheegay inuu ka soo hawl galay gobollada Bay, Galgaduud, Mudug, Jubbada dhexe iyo Shabeellaha hoose.

    Kumuu ahaa Muxudiin Daqarre

    Muxudiin Daqarre waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa dhallinyaro aan badnayn oo lagu billaabay Al Shabaab bartamihii sannadihii labada kun sida uu BBC u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan nabadsugidda Galmudug, horena uga mid ahaa NISA, kaasoo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno.

    “Ninkan wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro ilaa 40 gaaraysa oo uu aasaasay Aadan Cayrow 2005 – 2006 xilligii maxkamadaha Islaamiga, isaga ayeyna toos uga amar qaadanayeen. Xilligaas waxay ku dhex jireen maxkamadaha Islaamiga, waxaana magaca Shabaab markaas loogu bixiyey dhallinyaranimada” ayuu yiri sarkaalkaas.

    Wuxuu intaa ku daray inuu markiisii hore ka mid ahaa jabhadihii xukunka ka tuuray Siyaad Barre, magaca Daqarre-na uu ugu baxay markii uu gaari kula rogmaday meel u dhaxaysa Bandiiradley iyo seddex Higlo oo ka tirsan gobolka Mudug, ayadoo wajiga uu dhaawac ka soo gaaray.

    Sarkaalkaas wuxuu BBC u sheegay in jamaacada tabliiqa uu ku biiray Muxudiin Daqarre 2003, ka dibna uu u dhoofay dalka Pakistan, halkaasoo uu ku maqnaa muddo afar bilood ah, laakinse ma uusan sheegin inuu u sii gudbay dalal kale ama uu soo qaatay tababarro khaas ah.

    “Dalka ayuu dib ugu soo noqday, wuxuuna ku biiray maxaakimtii islaamiga, isagoo si gaar ahna uga sii mid noqday 40kii qof ee Aadan Xaashi Cayrow ka amar qaadanaysay, kuwaasoo hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Muqdisho iyo meelo kale” ayuu sii raaciyey.

    Aadan Cayrow
    Qoraalka sawirka,Aadan Cayrow

    Dabayaaqadii 2007 waxaa Muxudiin Daqarre qabtay dawladdii Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

    Ujeedada qabashadiisa ayuu ku sheegay sarkaalkaas inay la xiriirto hub lagu riday dayaarad ay Itoobiya lahayd oo la tuhunsanaa in hubkii lagu riday uu isagu ku lug lahaa.

    “Itoobiya ayaa loo gudbiyey, muddo dhowr sano ah ayuuna halkaa ku xirnaa. Galaangal la sameeyey ka dib ayey suurtogal noqotay in dib loo soo daayo xilli ay ku aadanayd 2011, waxaana xilligaas la sheegay inuu ka baxay Shabaab iyo maxkamadaha”.

    “Wuxuu xataa tegey Mudug iyo meelo kale ayadoo loo haystay inuu qof caadi ah yahay, laakinse dib ayuu ugu laabtay Al Shabaab, wuxuuna saaxib dhow la noqday Abuu Mansuur Al Amriiki. Ka dib waxaa isku dhacay Al Amriiki iyo amiirkii Al Shabaab Axmed Cabdi Godane, waxaana sidaas lagu khaarajiyey Abuu Mansuur Al Amriiki” ayuu yiri.

    Sarkaalkaas ka tirsanaa NISA wuxuu BBC u sheegay in ay jireen rag badbaaday markii khilaafkaas uu aad u xoogaystay, kuwaasoo uu ka mid yahay Xasan Daahir Aweys, laakinse “Muxudiin Daqarre wuxuu la saaxiibay Axmed Cabdi Godane”.

    “Markii la khaarajiyey Axmed Cabdi Godane, Muxudiin Daqarre wuxuu ka mid ahaa dadkii raadiyey inay qabtaan xilka ugu sarreeya Al Shabaab, hankaasna wuu ku jiray” ayuu yiri.

    Wuxuu sheegay inuu ogyahay inuu ka mid ahaa golaha shuurada ee maxkamadaha, balse ma uusan xaqiijin inuu wax xil ah ka hayey Al Shabaab. “Laakinse marka la gaarayo go’aannada muhiimka ah wuxuu ka mid ahaa dadka go’aannada gooya, waxay gooyaanna ay fulaan” ayuu sii raaciyey.

    Maxay uga dhigan tahay Shabaab iyo Dawladda qabashada Daqarre

    Axmed Diiriye oo wajigiisa humaag la saaray
    Qoraalka sawirka,Axmed Diiriye oo wajigiisa humaag la saaray

    Sarkaalka BBC u warramay ee aqoonta u leh Muxudiin Daqarre wuxuu sheegay in Shabaab ay wax badan uga dhigan tahay qabashadiisa.

    “Wax badan ayey uga dhigan tahay, waayo wuxuu ku jiray raggii wax ka aasaasay ururka, wax badan ayuuna ogyahay”

    “Wuxuu kaloo ahaa nin qabiilka uu ka soo jeedo wax laga weydiiyo, taladana gooya, wuxuuna ahaa nin aad ugu weyn Al Shabaab” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray in xogta uu bixin doono Muxudiin Daqarre oo hadda ku jira da’da kontomeeyada ay dawladda ka caawin karto dagaalka ay wakhti xaadirkan kula jirto Al Shabaab.

    Xogta ay dhici karto in laga helo ayaa la rumaysan yahay in ay ku jiri karaan macluumaad badan oo dhinaca hogaanka la xiriira maadaama uu si dhow ula soo shaqeeyey amiirradii hore ee Shabaab iyo amiirka hadda xukuma ururkaas, Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.