Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa kuma Muxudiin Daqarre, maxayse qabashadiisa muhiim u tahay? Xog sirdoon

    Waa kuma Muxudiin Daqarre, maxayse qabashadiisa muhiim u tahay? Xog sirdoon

    By radiohalgan.comFebruary 4, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxudiin Daqarre) oo ka tirsan saraakiisha Al Shabaab.

    Wararku waxay sheegayaan in Muxudiin Daqarre lagu qabtay magaalada Muqdisho ‘oo uu si dhuumalaysi ah ku soo galay’, laakinse lama sheegin sida loo qabtay iyo goobta uu ku sugnaa markii la qabanayey.

    Waxaa la sheegay inuu ka soo hawl galay gobollada Bay, Galgaduud, Mudug, Jubbada dhexe iyo Shabeellaha hoose.

    Kumuu ahaa Muxudiin Daqarre

    Muxudiin Daqarre waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa dhallinyaro aan badnayn oo lagu billaabay Al Shabaab bartamihii sannadihii labada kun sida uu BBC u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan nabadsugidda Galmudug, horena uga mid ahaa NISA, kaasoo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno.

    “Ninkan wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro ilaa 40 gaaraysa oo uu aasaasay Aadan Cayrow 2005 – 2006 xilligii maxkamadaha Islaamiga, isaga ayeyna toos uga amar qaadanayeen. Xilligaas waxay ku dhex jireen maxkamadaha Islaamiga, waxaana magaca Shabaab markaas loogu bixiyey dhallinyaranimada” ayuu yiri sarkaalkaas.

    Wuxuu intaa ku daray inuu markiisii hore ka mid ahaa jabhadihii xukunka ka tuuray Siyaad Barre, magaca Daqarre-na uu ugu baxay markii uu gaari kula rogmaday meel u dhaxaysa Bandiiradley iyo seddex Higlo oo ka tirsan gobolka Mudug, ayadoo wajiga uu dhaawac ka soo gaaray.

    Sarkaalkaas wuxuu BBC u sheegay in jamaacada tabliiqa uu ku biiray Muxudiin Daqarre 2003, ka dibna uu u dhoofay dalka Pakistan, halkaasoo uu ku maqnaa muddo afar bilood ah, laakinse ma uusan sheegin inuu u sii gudbay dalal kale ama uu soo qaatay tababarro khaas ah.

    “Dalka ayuu dib ugu soo noqday, wuxuuna ku biiray maxaakimtii islaamiga, isagoo si gaar ahna uga sii mid noqday 40kii qof ee Aadan Xaashi Cayrow ka amar qaadanaysay, kuwaasoo hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Muqdisho iyo meelo kale” ayuu sii raaciyey.

    Aadan Cayrow
    Qoraalka sawirka,Aadan Cayrow

    Dabayaaqadii 2007 waxaa Muxudiin Daqarre qabtay dawladdii Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

    Ujeedada qabashadiisa ayuu ku sheegay sarkaalkaas inay la xiriirto hub lagu riday dayaarad ay Itoobiya lahayd oo la tuhunsanaa in hubkii lagu riday uu isagu ku lug lahaa.

    “Itoobiya ayaa loo gudbiyey, muddo dhowr sano ah ayuuna halkaa ku xirnaa. Galaangal la sameeyey ka dib ayey suurtogal noqotay in dib loo soo daayo xilli ay ku aadanayd 2011, waxaana xilligaas la sheegay inuu ka baxay Shabaab iyo maxkamadaha”.

    “Wuxuu xataa tegey Mudug iyo meelo kale ayadoo loo haystay inuu qof caadi ah yahay, laakinse dib ayuu ugu laabtay Al Shabaab, wuxuuna saaxib dhow la noqday Abuu Mansuur Al Amriiki. Ka dib waxaa isku dhacay Al Amriiki iyo amiirkii Al Shabaab Axmed Cabdi Godane, waxaana sidaas lagu khaarajiyey Abuu Mansuur Al Amriiki” ayuu yiri.

    Sarkaalkaas ka tirsanaa NISA wuxuu BBC u sheegay in ay jireen rag badbaaday markii khilaafkaas uu aad u xoogaystay, kuwaasoo uu ka mid yahay Xasan Daahir Aweys, laakinse “Muxudiin Daqarre wuxuu la saaxiibay Axmed Cabdi Godane”.

    “Markii la khaarajiyey Axmed Cabdi Godane, Muxudiin Daqarre wuxuu ka mid ahaa dadkii raadiyey inay qabtaan xilka ugu sarreeya Al Shabaab, hankaasna wuu ku jiray” ayuu yiri.

    Wuxuu sheegay inuu ogyahay inuu ka mid ahaa golaha shuurada ee maxkamadaha, balse ma uusan xaqiijin inuu wax xil ah ka hayey Al Shabaab. “Laakinse marka la gaarayo go’aannada muhiimka ah wuxuu ka mid ahaa dadka go’aannada gooya, waxay gooyaanna ay fulaan” ayuu sii raaciyey.

    Maxay uga dhigan tahay Shabaab iyo Dawladda qabashada Daqarre

    Axmed Diiriye oo wajigiisa humaag la saaray
    Qoraalka sawirka,Axmed Diiriye oo wajigiisa humaag la saaray

    Sarkaalka BBC u warramay ee aqoonta u leh Muxudiin Daqarre wuxuu sheegay in Shabaab ay wax badan uga dhigan tahay qabashadiisa.

    “Wax badan ayey uga dhigan tahay, waayo wuxuu ku jiray raggii wax ka aasaasay ururka, wax badan ayuuna ogyahay”

    “Wuxuu kaloo ahaa nin qabiilka uu ka soo jeedo wax laga weydiiyo, taladana gooya, wuxuuna ahaa nin aad ugu weyn Al Shabaab” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray in xogta uu bixin doono Muxudiin Daqarre oo hadda ku jira da’da kontomeeyada ay dawladda ka caawin karto dagaalka ay wakhti xaadirkan kula jirto Al Shabaab.

    Xogta ay dhici karto in laga helo ayaa la rumaysan yahay in ay ku jiri karaan macluumaad badan oo dhinaca hogaanka la xiriira maadaama uu si dhow ula soo shaqeeyey amiirradii hore ee Shabaab iyo amiirka hadda xukuma ururkaas, Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.