Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa kuma Maxamed Cabdiwahaab, ninka amray inaan laga soomin Puntland?

    Waa kuma Maxamed Cabdiwahaab, ninka amray inaan laga soomin Puntland?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 11, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Deegaanada Puntland ayaan maanta intooda badan laga oofin af-xirka bisha Barakaysan ee Ramadan iyadoo dadka deeganadaasi inta badan u hogaan sameen amarkii ka soo baxay Wasiirka Cadalaada oo xalay ku dhawaaqay inaysan sugin aragtida bisha sidaas darteedna aysan Soon ahayn.

    Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha diinta ee Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo ay garab joogeen qaar ka mida culimada Puntland ayaa sheegay in go’aanka lagu saleeyey ka dib hubin ay sameeyeen.

    “Baadi goob badan oo aan u galnay inaan helno dhalashada bisha Ramadaan mana hayno meel ka mida Puntland oo laga arkay bishii….marka waxaa dhamaystiraynaa shacbaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab.

    Laakiin warark aan ka helayno deegaano ka mida Puntland ayaa sheegaya in deeganada laga soomay qaybtood ay ku jirto magaalada Bosaaso oo qaar ka mida masaajidada ku yaala magaalada laga oogay salaadii taraawiixda xalay sidoo kale qaar ka mida dadkuna ay sooman yihiin.

    Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta kowaad ee Ramadaan ay tahay isniinta maanta sida uu sheegay wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha diinta ee Soomaaliya Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Maansuur.

    Inta badan Soomaaliya ayaa laga sooman yahay iyadoo deegaanada maamulada qaar sidoo kale wararka an ka helayno ay sheegayaan inaan laga soomin.

    Waa kuma Maxamed Cabdiwahaab?

    PUNTLAND

    XIGASHADA SAWIRKA,PUNTLAND POST

    Qoraalka sawirka,Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta ee Puntland, Maxamed Cabdiwahaab

    Maxamed Cabdiwahaab Axmed, wuxuu dhamaadkii muddo xileedkii hore ee madaxweyne Siciid cabdilaahi Deni loo magaacabay Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha diinta ee Punltand iyadoo muddo xiledka cusub ee Madaxweyne Deni mar labaad loo magacaabay wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha diinta ee Puntland.

    Wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo sanadkii 1980-kii, waxbarashada asaasiga ayuu kula qaatay magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso iyo Muqdisho.

    Shahadasiisa kowaad ayuu ku diyaariyey maamulka iyo dhaqaalaha isagoo ka baxay jaamacada Boosaaso,

    Heerkiisa labaad ee shahaada ayuu ka qaatay jaamacad ku taala dalka Uganda oo ku diyaariyey maamulka dowliga iyo dowlada hoose

    Muddo dheer ayuu ahaa macallin wax d

    Sanadihii 1990-kii ilaa 2004-ti ayuu soo ahaa macallin wax ka dhiga dugsiga hoose dhexe ee Puntland.

    Haya’ddo caalami ah oo ay ka mid tahay hayada qaxootiga ee Norway ayuu ka soo shaqeeyey muddooyinka sanado ah.

    Sanadkii 2011-kii ayaa loo magacaabay Agaasimaha guud ee wasaarada waxbrashada ee Puntland ilaa sanadkii 2014-kii.

    Sanadihii 2017 ilaa 2018 ayuu agaasime guud ka soo noqday wasaarada arrimaha gudaha ee dowlada federalka.

    Dhamaadkii muddo xileedkii hore ee madaxweyne Siciid cabdilaahi Deni ayaa loo magaacabay Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha diinta ee Punltand iyo muddo xiledka cusub ee Madaxweyne Deni mar labaad loo magacaabay wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha diinta ee Puntland.

    Waa nin dhalinyaro ah oo qunyar socoda una janjeerin dhinacyada ururada diimeed ee ka jira Somaliya. Waana shaqsiga ugu sareeya Arrimaha diinta ee uga xilsaaran dowladdaa.

    Magaalooyinka laga sooman yahay iyo kuwa laga afuran yahay Soomaaliya

    PNTLAND

    Magaalada Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Kowhar iyo magaalooyin kale ayaa sida ay wararka ka helayno shegayaan dadku af xiran yihiin.

    Deegaano ka mida Galmudug ayaa sidoo kale laga soomin gaar ahaan deeganada ay ku badan yihiin culimada Ahlu suna Waljamaaca.

    Inta badan bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan waxaa dhulka Soomaalidu degto ee geeska Afrika ka dhacda in lagu kala duwanaado cayimida Soonka.

    Dalalka Islaamka ayaa intooda badan laga sooman yahay sida dalka Boqortooyada Sacuudi Arabia oo isaga Maamulku xaqiijiyeen in bilasha bisha Ramadaan.

    Soonka iyo faa’iidada uu u leeyahay maskaxda bini’adanka

    Waxaan la aaminsan yahay in marba marka ka sii dambeysa, oo qofka ay da’diisa sii korodho, in awoodda xusuusta bini’adanka ay sii daciifto.

    Balse qaar ka mid ah cilmi-baarisyada la sameeyay ayaa tilmaamaya in aan wax ka qaban karno dhibaatadaas oo aan dib u soo celinno xusuusta, waxayna ku xiran tahay cadadda cuntada amaba cabitaanka aad cabeyso.

    Dr. Gilles Yew oo ka tirsan Kulliyadda Kings ee London ayaa ka qayb qaatay cilmi-baaris hore loo sameeyay oo lagu ururinayay macluumaad badan oo ku saabsan mawduucan.

    Cilmi baaris

    Cilmi-baaris lagu sameeyay jiirka ayaa lagu ogaaday in marka tirada kaloriga la yareeyo, ay maskaxdu soo saarto unugyo cusub ama neerfayaal

    Nidaamkan waxaa lagu magacaabaa neurogenesis. Saynisyahannada waxay ogaadeen in xusuustooda ay hagaagtay.

    Dhakhaatiirta Kulliyadda ee Kings ee kala ah Sandrine Thuret iyo Curie Kim, ayaa baaraya bal in ay taasi sidoo kale suurtogal ku tahay aadanaha.

    Tijaabo

    43 qof oo uu ka mid yahay Dr. Gilles, oo ka tirsan Kings college ayaa loo soo xulay tijaabada.

    Da’dooda waxay u dhaxaysay 45 ilaa 75 sano. Muddo afar toddobaad ah, waxaa dhammaantood la siinayey cunto uu ku yar-yahay maadada kaloriga.

    Waxaa la siinayay inta u dhaxeysa 500-600 oo kalori, laba maalmood toddobaadkiiba. Shanta maalmood ee kalana waxay cunayeen intii uu cuni jireen maalmaha caadiga ah. Wayna soomayeen.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.