Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa kuma Karim Khan, dacwad oogaha maxkamadda ICC ee dalbaday in la soo xiro Netanyahu

    Waa kuma Karim Khan, dacwad oogaha maxkamadda ICC ee dalbaday in la soo xiro Netanyahu

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 31, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa dalbatay in la soo xiro ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasiirka gaashaandhigga iyo sidoo kale madaxda Xamaas. Sida laga soo xigtay maxkamadeynta, hogaamiyayaashan ayaa loo heystaa dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

    Dacwad oogaha guud ee maxkamadda, Karim Asad Ahmed Khan, ayaa eegaya kiiskan. Karim Khan waa Pakistani asal ahaan.

    Dhegaysiga dacwadda, waxuu sheegay in jiraan “caddeymo la taaban karo” oo muujinaya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza Yahya Sinwar ay galeen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

    Ma aha oo kaliya labada shaqsi, laakiin sidoo kale waxaa la tuhunsan yahay hogaamiyayaasha Xamaas, Ismail Haniyeh, Mohamed Al-Masri, iyo wasiirka difaaca Israel, Yoav Galant.

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa cambaareeyay codsiga dacwad oogaha guud ee ah in la soo xiro, isaga oo sheegay in ay tahay “tallaabo aan macquul ahayn oo been abuur ah.”

    Netanyahu ayaa sheegay in isbarbardhiga lagu sameeyay isaga iyo Xamaas in ay tahay qalloocin xaqiiqadda ah.

    Waa kuma Karim Asad Ahmed Khan, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah?

    Karim Khan

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Karim Khan

    Kariim Asad Axmed Khaan, waxuu ku dhashay 30-kii bisha March 1970-kii magaalada Ediburgh ee dalka Ingiriiska. Aabbahii Dr Saciid Axmed, waa Bakistaani waxuuna Ingiriiska yimid 1960-kii. Asad hooyadiisna waa muwaadin Biritish ah.

    Karim Khan, 1992-kii ayuu ka qaatay shahaahadada qaanuunka King’s College London, waxa uu ganacsi galay markii uu qalin jabiyay. Khan waxuu xubin ka noqday shirkadda sharciga London Temple Garden Chambers, waa sharciyaqaan dambiyada caalamiga ah iyo qareen xuquuqul insaanka ah waxuuna leeyahay in ka badan 30 sano oo waayo-aragnimo ah.

    Waxuu qareen u noqday difaaca Madaxweynaha talada haya ee Kenya William Ruto oo Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah la soo taagay, isagoo ku eedaysnaa danbiyadii ka dhacay dalka Kenya doorashadii 2007-dii.

    Waxuu ka qayb noqday kiisas badan oo gaboodfallo caalami ah la xiriira, sida kuwii Rwanda, denbiyadii Yugoslavia, kuwo ka dhacay Cambodia, Sierra Leone iyo kuwo kaleba.

     

    Qareenkii wiilka Qadaafi

    Marka laga soo tago in uu soo noqday madaxa dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, Karim Khan waxa uu sidoo kale ahaa qareenka Saif al-Islam, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2018.

    Khan, oo soo noqday Guddoomiyaha Golaha Qareenada ICC intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2018, ayaa sidoo kale ah Safiirka Caalamiga ah ee Ururka Qareenada Afrika.

    2018, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u magacaabay inuu noqdo Lataliyihii ugu horreeyay ee Gaarka ah iyo madaxa kooxda baarista dembiyada dagaalka iyo dembiyada ka dhanka ah aadanaha ee Ciraaq.

    Bishii Febraayo 2021, Khan waxaa loo doortay Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee Golaha Guud ee New York. Waxaa xilka loo dhaariyay June 2021 wuxuuna xilka sii heyn doonaa muddo sagaal sano ah.

    Waxa uu noqonayaa xeer ilaaliyihii saddexaad ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), oo la aasaasay sanadkii 2002-dii.

    Ma ahan markii ugu horeysay oo maxkamada ICC ay dalbato amar lagu soo xirayo madax ka tirsan dowladaha awooda leh. Sanad ka hor, waxay ahayd Karim Khan oo door muhiim ah ka qaatay in la helo amarka lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Marka laga soo tago Putin, Guddoomiyaha Xuquuqda Carruurta ee Ruushka, Maria Levova Belov, ayaa sidoo kale heshay amar lagu soo xirayo.

    “Qofna sharciga kama sarreeyo”

    Wareysi uu dhawaan siiyay CNN, Karim Khan ayaa lagu weydiiyay sababta uu u isticmaali waayay ereyga “xasuuq”.

    “Baaritaankan weli lama dhameystirin,” ayuu yiri dacwad oogaha, isagoo tilmaamay in dacwadda loo gudbiyay garsoorka aysan ku jirin fikradda xasuuqa.

    “Baaritaankeennu wuu sii socon doonaa. “Xaaladdu aad ayay u cakiran tahay,” ayuu yiri Khan, isagoo intaas ku daray in maamulka Israa’iil ay u diideen inuu galo Gaza oo uu baaritaan ku sameeyo.

    Talaabada xigta waa in garsoorayaasha ICC ay shiraan oo ay ansixiyaan go’aanka ku saabsan in waaran qabasho la soo saarayo iyo in kale. Habkani wuxuu qaadan karaa toddobaadyo.

    Maraykanka iyo Israa’iil kuma dhaqmaan sharciga ICC.

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in codsiga waaranka lagu soo xirayo uu yahay mid naxdin leh, wuxuuna sheegay in aan la is barbar dhigi karin Israel iyo Xamaas.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.