Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab?
Ilaahay ha u naxariisto Agaasimihii Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle, Cismaan Muumin Axmed, oo ku geeriyooday dagaalka xaq u dirirka ah ee ka socda degmada Aadan Yabaal.
Geerida Cismaan Muumin waa mid qalbiga iga taabatay. Wuxuu ahaa shaqsi aan aad isugu dhownayn, saaxiib daacad ah, leh qalbi furan, degan, kana muuqday dadaal joogto ah. Waxa uu si naf-hurnimo leh uga qeyb qaatay halganka gobolka Hiiraan, isagoo u taagnaa difaaca dadkiisa iyo xaqiijinta nabadda iyo barwaaqada.
Wuxuu ahaa geesi xaqa ku shahiiday, Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.